Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolaan ayaa waxaa ka qayb galay odayaal iyo waxgarad ka kala yimi gobolada  Mudug,Karkaar ,Bari iyo maamulka iyo laamaha amniga gobolka nugaal, Markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Nabadoon Yaasiin Cabadi samad oo ka mid ah odayasha gobolka Mudug ka yimi  waxaana uu sheegay in ay kulan la qaateen maamulka gobolka Nugaal isla markaana ay kawada hadleen arimo ay ka mid ahayeen danaha Puntland  dhinacyada homarka iyo  waxyaabaha ka dhiman sidii loo dhamaystirilahaa .

Gudoomiyaha gobolka Nugaal  Cabdi Xirsi Cali oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxaa sharci daro ku tilmaamay safarka odayashaan Garoowe ku soo gaareen  waxaana uu yiri “waa dad iska socda oo aan wax ay doonayaan la garanayn” waxaanu intaasi ku daray in ay meeshii ka yimaadeen dib ugu laabtaan isla markaana Garoowe aan wax shir ah lagu qaban Karin kaasi oo aan dawladu ogayn.

Waxaana uu xusay in dib loogu celin doono meelihii  ay markii hore ka yimaadeen  isaga oo intaasi ku daray in qaar ka mid raga Garowe ku sugan ismadoodu ka dalbadeen ay dib u soo celiyaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Garoowe soo gaarayey waxgarad iyo odayaal kuwaasi oo sheegay in ay Garoowe u yimaadeen shirar wada tashi inkasta oo maamulka gobolka Nugaal  awaamiir uu dhawaan soo saaray lagu mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowlada ogolaansho looga haysan  Garoowe ka dhacaan.

Sawiro


Maxamed Siciid
SBC International Garoowe