Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa 24kii saac ee ugu dambeeyay ku yeelanayay kulamo ay kaga arinsanayaan amaanka gudaha xarunta gobolkaasi Hiiraan ee Baladweyne.

Kulamada oo qaatay saacado ayaa waxaa ay sheegeen saraakiisha maamulka in laga soo saaray Go’aamo ku aadan arimaha Amaanka, Horumarinta, arimaha bin aadan nimada sida deeqaha iyo ka jawaabida haydaha Gargaarada ay u baahan yihin barakacayaasha ku dhaqan magaalada.

Waxaa siweyn loo falanqeeyay arimaha amaanka iyo maamulka sida in wax walba oo gobolka ku saabsan ay hoostagayaan gudoonka sare ee gobolka sida qaadashada go’aamada iyo wadatashiga.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa go’aamada kulankaasi ka soo baxay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo baahan yahay in gacanta loo soo geliyo maamulka gobolka Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ku jira gacanta Xiigaga xarakada Shabaab Almujaahidiin iyadoo ay isla kaashanayaan ciidamada Dowlada Itoobiya iyo kuwa Amisom ee Jabuuti.

Kulamadan ay ka soo bexeen go’aamada ayaa waxaa ay ka dambeeyeen ka dib markii gobolka uu soo gaaray gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee ay dowlada KMG ah u magacowday.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe