Maamulka Gobolka Galgaduud oo ka qeyb qaadanaya Xalinta Khilaafaad ka jira Gobolkaas

Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo odayaal ka soo jeeda deegaano hoos yimaada gobolka ayaa ku baxay colaad dhowaan dhexmartay laba bee loo walaalo ah oo ku dhaqan gobolkaasi Galgaduud.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee DKMG ah Axmed Yuusuf Xasan  iyo wafdi uu horkacayo oo u badan odayaal ayaa ku sugan tuulada Mareergur ee gobolkaas waxaana wareysi gaar ah oo uu siiyay sbc uu sheegay in halkaasi ay u joogaan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaad dhowaan deegaano ka tirsan gobolka ku dhexamray laba beel oo walaalo ah.

Waxa uu intaasi ku daray gudoomiye Axmed Yuusuf Xasan in ay soconayaan kulamada ay la qaadanayaan labada dhinac ee dagaalamay oo halkaasi ku sugan islamarkaana ay iminka qaadayaan dariiqadii lagu joojin lahaa khilaafaadka islamarkaana loogu istaagi lahaa ilaalinta Nabadgeliyada .

Mar la weydiiyay su’aal aheyd wada dowlada kaga aadan khilaafaadyadan u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku soo laalaabta gobolka ayaa uu sheegay gudoomiyuhu in ay ka go’antahay talaabada loo qaadayo sidii loogaari lahaa deegaanada ay wax ka dheceen islamarkaana loo xalin lahaa khilaafaadka jira, isagoona tusaale u soo qaaday in cilaad kale oo dhowaan ka dhacday deegaano lagu magacaabo Bangeele iyo meerxeeley ay u direen wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka gobolka ayna iminka gaareen galayaana xalinta khilaafaadka.

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada walaalaha ah ee isku dilaya gobolka in ay dejiyaan xaalada islamarkaana ay ku dadaalaan sidii loo adkeynlahaa nabadgeliyada dil iyo dhaawac iyo dagaalna aan faa iido laheyn.

SBC International Garoowe

Daalacatey :333

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print