Shir jaraa’id oo uu manta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Boosaaso Gudoomiyaha Gobolka bari C/samad Maxamed Galan ayaa waxaa uu sheegay in gebi ahaanba Gobolka Bari aan lagu sameyn Karin wax olole Doorasho ah isaga oo xusay in aan weli la gaarin Waqtigii olalaha Doorashada Puntalnd

Hadalka Gudoomiyaha ayaa yimid ka dib markii Maalintii shalay Magaalada Boosaaso lagu soo dhaweeyay C/laahi Siciid Samatar oo sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimada Puntland.

Shirka Jaraa’id ee Gudoomiye galan ayaa waxaa uu ku sheegay in xilligan ollaha uu wado Mr Samatar inay tahay mid wax u dhimeysa amaanka islamarkaasina Maamul ahaan arintaasi aysan raali ka noqon donin waxaana uu sheegay in cidii ka gudubta Amarka Maamulka ay talaabo ka qaadi doonan sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Gobolka Bari oo manta shirka qabtay ma sheegin Xilliga la ogalaanayo olalayaasha Doorashada Madaxtinimada Puntland waxaase uu xusay in Puntland ay leedahay gudi ka shaqeeya Arimaha Doorashooyinka islamarkaasna iyaga laga sugo xilliga ay ku dhawaaqayaan Waqtiga Doorashada.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Bari Ayaa ka hadlay Amaanka Gobolka iyo sida loo xoojin karo isaga oo baaq wada shaqeyn u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaana uu sheegay in Maamul ahaan aysan cidna uga gaban doonin wax ka qabashada amaanka .

SBC INternational News Desk