Boosaaso-Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali yuusuf ayaa waxaa uu la hadlay Warbaahinta SBC International Isaga oo safar Shaqo ku maraya Deegaano ka tirsan Gobolka Bari waxaana uu gudoomiyaha Sheegay In ciidamada Amaanka & Maamulka Gobolka Bari ay Baaritaan ku wadaan Fal rasaas ah oo xalay Gudaha Magaalada Boosaaos loogu geystay Ciidamo Dhawaantan Tababar loogu soo xiray Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Maamulka ka warhayaan in Ciidamo Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso oo tabadobaadkii Hore tababar loogu soo xiray Degmada Carmo Ee Gobolka Bari rasaas Dhaawac ah loo geystay Gudaha Magaalada boosaaso Islamarkaasina ay ku raad Joogaan Cida Geystay Falkaasi

Gudomiyaha Gobolka Ma sheegin in ilaa iyo iminka cid loo qabtay Falkaasi rasaasta ah oo xalay lagu dhaawacay Laba askari oo ka mid ah Ciidamadii todobaadkii hore tababarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in falalka dhacaya ay qeyb ka yihiin falal Amaan daro oo dhawaanahan dhacayay balse baaritaan dheer ka dib sharciga la hor keeni doono cidii lagu soo qabto Baaritaanka socda

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka  bari C/xaafid Cali Yuusuf ayaa imaanaya xilli gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari ay soo saareen Go’aano Amniga lagu xoojinayo oo ay ka mid yihiin in la xiro wadooyinka aan muhiimka ahayn ee u dhaxeeya Dhismayaasha Magaalada Boosaaso taasi oo uu maamulku ku tilmaaamay mid ay ku baxsadaan Dadka Geystay Fal danbiyeedyada Dilalka & Qaraxyada Dhiga.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso