Kulan ay isgu yimaadeen maamulka gobolka Bari kan degmada culima awdiin ganacsato iyo  qaar kamid ah golaha wasiirada ee Dawlada Puntland ayaa muhiimadiisu ahayd sidii layskaga kaashan lahaa musiibadii dabka ahayd ee xalay qabsatay suuqa ganacsiga ee degaanada Puntland ee magaalada Bosaso .

Dabka xalay qabsaday suuqa weyn ee magaalada Bosaso ayaa gabi ahaanba suqaasi lasimay dhulka iyada oo qofkii aqoonjiray suuqa magaalada Bosaso uu shaki ka galayo inuu garto in halakni ay ahayd suuqii camiraan saacada kahor ee magaalada Bosaso ,

Masuliyiiin badan oo isugu jira kuwa Maamulka iyo ganacsatadii mada sha joogay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khasaaraha hantiyeed ee uu geysaty dabkii xalay qabsatay suuqa weyn ee magaalada Bosaso iyo sida loo caawin karo dadkii ay dhibaatadu ka soogaaraty dabkii xalay .

Wasiirka amniga Dawlada Puntland mudane Khaliif Ciise Mudan oo goobta ka hadaly ayaa sheegay in Culimada looga baahan yahay in ay dadka kala hadalaan Masaajidyada si dadka looga samirsiiyo musiibadii naxdinta lahayd ee ku habsatay sidoo kale Wasiirka ayaa ku dhawaaqay Magacyada Gudi loo xilsaaray qiimaynta musiibadii xalay  gudigaasi ayaa isugu jira ganacsato culima awdiin iyo masuuliyiin katirsan kuwa dawlada waxa ayna hawsha gudigaasi noqondoontaa mid ah  qimayn ku saabsan musiibadii xalay .

SAWIRO




Cismaan Saalax Ismaaciil
S BC Internationla Garoowe