Laamiga oo la dayactirayo3
Degmada Xarfo oo katirsan Gobolka Muudg ayaa waxaa kasocda olale balaaran oo ay isku kaashanayaan Maamula Degmada iyo shacabka oo iska kaashanaya xiligaan dayactirka wadada laamigaa goobaha ay ka burburtay.

Munaasabad balaaran oo maanta lugu daahfurayay dayactirka garoonka ayaa waxaa kaqaybgalay masuuliyiin kala duwan oo katirsan Dawlada Puntland oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay, Agaasimaha Hay’ada wadooyinka Puntland PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan, qaybaha Bulshada aryidkaa iyo waliba Maamulka Degmada Xarfo.

Munaasabada loo sameeyay daahfurka dayactirka wadada laamigaa ee gudaha degmada Xarfo ayaa waxaa hadalo qaymo badan kasoo jeediyay Masuuliyiintii ka qaybgashay, iyadoona Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac Tigay khodbad uu halkaas ka jeediyay ku amanay dadka reer xarfo sida wanaagsan ee ay xiligaan ugateen dayactirka laamiga isagoona ku tilmaamay in ay qayb katahay hormarada baaxada leh ee kasoconaya Gobolka Mudug.

Agaasimaha hay’ada wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur aadan ayaa dhankiisa isna bogaadiyay hawlaha lugu dayactirayo wadada laamigaa isagoona sheegay in Hay’ada Puntland uqaabilsan dhanka wadooyinka ay iyana doorkeeda qaadanayso haatana ay bilaabayaan inay dayac tiraan goobaha laamigu ka burbursanyahay ee udhexeeya Magaalooyinka laamigu maro.

Munaasbada ayaa sidoo kale waxaa lugu bilaabay shaqadii iyadoona xubno kuhadalay afka Bulshada rayidkaa ee madasha kusugnaa ayaa sheegay inaysan marnaba ka daalayn kaqaybqaadashada kaalintooda kaga aadan hormarinta Gobolka Mudug.

Mudooyinki ugu danbeeyay ayaa waxaa kor ukacay hawlaha hormarineed ee kasoconaya Gobolka Mudug degmooyinkiisa iyo deeganada, iyadoona arimahaas Bulshadu bogaadisay.

SAWIRO
Laamiga oo la dayactirayo2 Laamiga oo la dayactirayo6 Laamiga oo la dayactirayo8 Laamiga oo la dayactirayo10 Laamiga oo la dayactirayo11 Laamiga oo la dayactirayo13 Laamiga oo la dayactirayo14