Maamulka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 4 qof ka dib howlgalo ay sameeyeen markii halkaasi lagu qafaashay 2 qof oo cadaan ah islamarkaana ka shaqeynayay arimaha Miino baarista.

4tan Qof ee la qabtay ayaa waxaa lala xiriirinayaa in ay ka dambeeyeen afduubka dadkaasi cadaan ka ah, waxaana lagu soo xiray xabsi ku yaala gudaha Magaalada Gaalkacyo .

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadkani la qabqabtay ay ka mid yihiin qaar u shaqeynayay Hay’ada ay cadaanka la afduubtay ka tirsanaayeen .

Inkastoo aan weli gacan lagu heyn labada Ajaaniib ee lagu qabfaashay halkaasi islamarkaana u shaqeynayay Hay’adda Danish Demining Group ayaa hadana waxaa soo baxaya wararka ku aadan in loola dhaqaaqay labadaasi shaqaale dhanka degmada xarardheere ee gobolkaasi Mudug.

Sikasyaba ha ahaatee Maamulka Galmudug ayaa isla shalay ku dhawaaqay in ay ka hortagayaan arimahan qafaalka ah ee ka bilowday gudaha gobolka isagoona Amar ku siiyay Ciidamada Amaanka in ay aragti ku toogtaan afduubayaasha iyagu ku dhaqaaqay qafaalka.

Liibaan C/laahi Faarax
SBC International Gaalkacyo.