Maamulka Galmudug oo Munaasabad Soo Dhaweyn ah Usameeyay Muwadiniin Udhalatay Iiraan iyo Pakistaan Kana Bad-baaday Weer ka dhacay Xeebta Hobyo.

Waxaa Barqanimadii Maanta Munaasabad Lagu Soo dhawaynayo muwadiniin udhalatay Wadamada Iiraan iyo Pakistaan Lagu Qabtay Hotelka Embassy Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Goboleedka Galmudug.

Munasabadda Waxaa ka soo Qayb Galay Mas’uliyinta Ugu Saraysa Maamulka Galmudug Sida Madaxweyne Ku Xigeenka Cabdi Samad Nuur Guuleed Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Max’d Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Dekadaha Max’d Cali Warsame Saraakiil Ka tirsan Taliska Police-ka Gobolka Mudug iyo Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Reer Galmudug State.

Waxaana Munaasabadda Goob Joog ahaa ilaa 14Ruux oo Badankood Udhasheen Wadanka iiraan Waxaana Sadex ka mid ah Udhasheen Pakistaan.

Madaxda Galmudug Hadalo ay Munaasbadda ka jeediyeen Waxay Shaaca ka Qaadeen in Taliska Police-ka Hobyo ay dadkan Ka Soo Bad-baadiyeen Kooxo Burcad Badeed ah iyo Ciidmada Dawladaha shisheeye oo ku Hardamay dagaal dhex marayna Lagu Bur-Buriyay doonidii Kaluumaysig ee ay Wateen kadibna ay Usoo Firxadeen dhanka Biriga Hobyo oo ay Si Nabd Galyo ah Ku soo Wareejiyeen Taliska Police-ka Hobyo Gacantana USoo Galiayay Mamaulka Gobolka Mudug ee Galmudug Madaxda Ugu Saraysa.

Mas’uliyinta Dawladda Galmudug waxay Xuseen inay Socdaan Xiriir Maamulka iyo dawladaha ay Ka dhasheen dadkani Si loogu Wareejiyo Waxay Sidoo Kale Canbaareeyeen Weerkkii Hobyo ay ugaysteen Ciidamada Shisheeye oo ay ku tilmaameen mid waxuushnimo ah loona Baahan yahay in Mag dhaw ay Ka bxiyaan Kuwii Weerkaasi Gaystay.

 Dhanka Kale Muwadiniinta u dhalatay Iiraan iyo Pakistaan oo iyguna Hadalo Munaasabadda Ka jeediayay waxay Umahad Celiyeen Taliska Qaybta Polic-ka Hobyo oo Soo Bad-baadiyay iyo Madaxda Mamaulak Galmudug ee Galkacyo oo Si Fiican usoo dhaweeyay Waxay Xuseen in Mudo ka badan Sanad ay Ku jireen Gacanta Kooxo Burcad Badeed ah oo Markabak ay Wateen Burcaddu  ku Raadsan jiray Maraakiibta Kale ee Waa weyn

Dagaakii dhex maray Burcad Badeeda iyo Ciidamada Maraakiibta iyo diyaaradaha  dagaalka watay ee Biyaha Somaliya Ku sugan ayay Xuseen inay Xagooda kaga dhaawameen 2Ruux oo Dhawaac Fudud ah waxay Sheegen inay Haatan La tahay  Sida iyga oo jooga Wadankoodii Hooyo Maadaama La dajiayay Hotel Qurxoon Cunto iyo Jiif Fiicana oo Helayaan.

Cabdalla Mohamed
SBC Gal-Mudug Somalia
+25290-752260
Cabdalla45@hotmail.com

DAAWO SAWIRADA