Maamulka Dooxada Shabeele oo maalmo ka hor weerar ku qabsaday Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dil shalay gudaha magaaladaasi loogu geystay 3 nin oo ay wararku sheegeen in ay ahaayeen rayid halka dhinacyo kalena ay sheegayeen in ay ka tirsanaayeen xarakada Shabaab Almujaahidiin.

Afhayeen u halay wasaarada warfaafinta ee Maamulkaasi ayaa sheegay in ay talaabo sharci ah ka qaadayaan sida ugu dhaqsiyaha badan ragii ka dambeeyay dilka 3 daasi nin, islamarkaana ay soconayaan baaritaano sida uu falkaasi u dhacay.

Waxa uu sheegay afhayeenku in sadaxdaasi nin ay u hayaan qaar ka mid ah dadkii dilay islamarkaana ay ka tirsanaayeen ciidamada Maamulka Dooxada Shabeele ayna ku dadaalayaan sidii ay sharciga u soo hor istaajin lahayeen, isagoona tilmaamay in raga la dilay ay ahaayeen kuwo aan xaaladooda la cadeyn balse uu tuhun galay.

Hadalkan ka soo baxay Maamulka Dooxada Shabeele ayaa waxa uu imanayaa xili ay gacan kuheynta Magaalada Baladweyne ay iyagu hayaan islamarkaana ciidamadooda ay shalay gelinkii dambe goor duhurkii ah ay toogasho u geysteen 3 nin oo iyagu saarnaa gaari yar.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe