Sida uu idaacada SBC  International  u sheegay gudoomiye ku xigeenka Degmada Qardho C/risaaq Cali Cartan waxaa dib maamulka ugu guuleystay inay u soo celiyaan gaari ay lahayd hayada Save the children oo ay afduubteen koox dhalinyaro ah oo ku sugneyd Magaalada Qardho.

Gaarigan ay Maamulka Degmada Iyo ciidamada Amaanka usoo celiyeen Hayada Save the children ayaa waxaa afduubtay dhalinyaro hubeysan oo ka careysan gaari looga afduubtay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Afduubka Gaarigan ayaa dhacay Saaka Hiirtii waaberi waxaana maamulku uu sheegay in uu dadaal u galay sidii garigaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta hayadii uu u shaqeynayay.

Gaariga la dhacay ee iminka uu maamulka ku guuleystay inay dib u soo celiyaan ayaa waxaa uu ahaa nooca loo yaqaan Layla Calaawi (Land Cruiser) waxaana dadaalka soo badbaadinta ka qeyb qaatay odayaal ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Gobolka Karkaar.

Hayada save the children waxay ka mid tahay hayadaha sida joogtada ah uga howlgala Degmada qardho ee Gobolka karkaar mana jiro masuul ka tirsan hayadaas oo ka hadlay dhacdada gaariga wallow iminka lagu guuleystay siideyntiisa 

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International  Monitoring