Maaulka degmada qardho oo uu u horeeyo duqa degmada qardho Maxe’d Siciid Ciise( Hogaamo laroor ) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa kormeer balaaran ku sameeyay dhamaan 20ka xaafadood oo ay ka koobantahay Qardho .

Kormeerkan ayaa ahaa mid ay si wadajir ah ay u sameeyeen gudiyada xaafada iyo maamaulka degmada Qardo ,kaasi oo ku saabsanaa sidii loo adkayn lahaa amniga magaalada qardho loona midayn lahaa wada shaqaynta maamulka degmada iyo laamaha xaafadaha loona ilaalin lahaa bilicda iyo furida wadooyinka magaalada .

Kormeerkan ayaa ahaa mid ay si wayn u soo dhaweeyeen 20ka xaafadood oo ku yaal magaalada qardho , kormeerkan kadib ayaa shir ay yeesheen maamulka degmada iyo masuuliyiinta xaafadaha waxay kawada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir joogta ah iyo wada shaqayn iyo wadatashi , iyo sidii laysula ogaan lahaa sidii soo kordha .

Kulankan  ayaa waxaa si wayn logu lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa abuurida ilo dhaqaale si ;horumar loogu sameeyo bulshada ku dhaqan magaalada qardho iyo tirakoobka dadka ku nool magaalada qardho maadaama agaalada hada ay joogaan dad aad ufara badan oo ka soo xagaabaxay Bosaso,

Waxa kale uu maamaulku ka codsaday gudiyada xaafadaha in ay la soo socodsiyaan dadka dhibanayaasha ah oo ay ka mid yihiin dadka indhaha’la, curyaamiinta iyo dadka dhimirkala si wax loogu qabto oo ugala kaashadaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah waxayna gudiyadu ay ka aqbaleen maamaulka in ay hawlahaas kala shaqayn doonaan .


Maxu’d C/laahi Faarax
SBC International Qardho