Iyadoo labadii maalin ee ugu dambeysay ay howlgalo lagu burburinayo ka wadeen gudaha magaalada Qardho maamulka degmada qarka ayaa gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaama laroor waxa uu faah faahin ka bixiyay sida ay ugu socdaan howlaha burburinta goobaha sharcidarada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay bur burinayaan goobaha laga hareer dhisay wadooyinka oo caqabad xoogan dhaliyay xiliyada ay da’aan roobabka kuwasi oo ay dhisteen dad gacansi yar yar ku heysa magaalada.

Maxamed siciid Ciise Hogaamo oo xalay la hadlay SBC ayaa sidoo kale ku amaanay shacabka magaalada Qardho sida ay ula shaqeeyeen islamarkaana ay kaalinta ugu muhiimsan ka qaateen howlha ay wadaan.

Waxaana uu sheegay in ay dadku ku baraarugeen in waxqabadka la qabana uu yahay mid iyaga muhiimad gaar ah u leh loona baahanyahay in markasta sidaas loogu heelanaado wanaaga iyo howlaha uu maamulku wado.

Howlgalka lagu burburinayo goobahan sharci daro ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo qardho laga fuliyo taasi oo ay siweyn dadku u soo dhaweeyeen uguna bogaadiyeen maamulka dib u hagaajinta bilicda magaalada.

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC international Qardho.