Gudoomiyaha degmada Iskushuban C/dirisaaqa Muuse Cartan ayaa warbaahinta SBC International u xaqiijiyey Dabkan Qabsaday beero timireed ku yaala degmadaasi Iskushuban ee gobolka Bari .

Dabkan ayaa Beeraha qabsaday barqadii maanta marakay saacdu ahayd 9;30 daqiiqo, wuxuuna dabku soconayey ilaa afartii barqanimo ee maata sida uu xaqiijey SBC International gudoomiyaha degmada Iskushuban ,

Beeraha uu dabku kakacay ayaa waxaa kabixijiray timirta, waxaanu sheegay gudoomiyaha in dabkaasi uu digada ka dhigay ilaa 180 geed oo timir ah  .

“lama’oga waxa dhaliyey dabka balse xililiga beerahaas uu dabku kakacayey waxaa kusugnaa shaqaalihii beerahaasi kashaqeynayey walina waanu baaraynaa sababta rasmiga ah ee kadanbeysa gubashada beerahaasi” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha isku shuban.

Degmada isku shubna ayaa ah degmo qadiimi ah oo  katirsan gobolka Bari caana ku ah wax soo saarka beera ha.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International- Boosaaso