Gudoomiyaha golaha deeegaanka ee magaalada Bosaso ah na Duqa Degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo goor dhawayd shir jaraa,id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Bosaso ayuu kaga hadlay shaqa joojintii ay maanta sameeyeen dadka ka ganacsada Qalitaanka Hilibka Gudaha magaalada Bosaso.

Gudoomiyaha ayaa Saxaafada u sheegay in uusan maamulkaiisu garanay sababta ka danbeysay shaqa joojinta ay maantaa sameeyeen dadka ka ganacsada Hilibka,

Magaran karo sababta dhalisay shaqa joojintaasi mana jirto wax cabasho ah oo keenay shaqa joojintan sidoo kale majirto warqad cabasho ah ama Gudiyo kasocda dadkaasi oo noo yimi sidaasi waxaa yiri Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalle.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu Baaqay Ganacsatadada ka ganacsada Qalida Hilibka in ay tix galiyaan shaqada ay u hayaan Bulshada ayana bilaabaan hawlohoodii hadii ay jirto wax cabasho ahna uu maamulku diyaar u yahay in uu arintaasi xaliyo .

Duqa ayaa sidoo kale shaaciyay in ay jirto Saylad Cusub oo lagu Qalayo Hilibka iyada oo Laraacayo Hababka aduunka wax looga Qalo  wuxuuna sheegay in aysan Sayladaasi wax samayn ah oo ay  ku yeelanayaan  Hawlaha Dadka ka Ganacsada Qalista Hilibak .

Hadalka Duqa degmada Bosaso ayaa imanay xili Maanata aan wax Hilib ah laga Qalin Gudaha magaalada Bosaso .

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso