Maamulka degmada Bosaaso ayaa maanta si rasimiya laami u saaray wadada Gaaca oo ah wado muhim ah dhanka isu socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada Bosaso.

Wadadan ayaa horay u ahayd mid uu aad uga muuqdo bur bur farabadan taasi oo mararka qaarkood dhibaatooyin ku keeni jirtay gawaarida isticmaala wadadaasi .

Gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo SBC kula hadalay gobta ay shaqadu ka socotay ayaa sheegay in mudo badadn ay wadeen dayactirka wadada Gaaca ilaa ay maanta ka soogaartay in lasaaro Laami sidaasi waxaa SBC u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Bosaso Mudane Xasan

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa shacabka Reer Bosaso ugu baaqay in ay gacan kageystaan shaqooyinka uu maamulku wado ee ku aadan soo celinta bilicda Magaalada dhaqaalaha Puntland ee Bosaso iyo waliba furitaanka wadooyinka muhimka ah .

Masuuliyiin ayaa SBC u xaqiijiyay in wadada xigta Gaaca ee laamiga lasaarayo ay tahay wadada Hor marta Warbaahinta Caalimiga ah ee SBC aadan dhanka garoonka diyaaradaha .

Maamulka degmada Bosaso mudadii gaabnayd ee uu xilka hayey waxa uu ku talaabsaday horumar dhanka wax qabashada ah oo waliba u badan furida wadooyinka Bosaso  iyada oo la og yahay in Bosaso ay caan ku tahay wadooyin ciriir aha



Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso