Iyadoo labo maalmood ka hor uu dab qabsaday xerada Kaam Ajuuraan ee magaalada boosaaso ayaa waxaa aad isu soo taraya xaalada nolosha ee dadkaas taasoo ay gabi ahaanba dadkaasi ay soo wajahday nolol xumo tii ugu liidatay xilli aan u kuur galaynay xaalada barakacayaasha ayaanu aragnay dadkii ku noolaa kaamkaas oo banaan cid la, ah fadhiya xilli ay tahay boosaaso kulayle ama xagaa waxaana saamayn balaaran ay kulaylkani uu ku yeeshay xaga noloshooda.

Hooyo Xabiibo Xasan oo xiligaasi gacmaha ku wadatay labo gabdhood oo yar yar ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan helin iyada iyo caruurteeda cuno 30 saacadood oo xiriir ah ayna bacadkaas kulul ku hoydaan dharaar iyo habeen cid wax u qabatayna aysan jirin waxaana maamulka hay,adaha iyo shacabka boosaaso ay ka codsatay in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.

Ka gadaal Maamulka degmada Boosaaso ayaa arintaasi ka soo saaray qaylo dhaan ku aadan in gurmad lala soo gaaro degdeg ah dadkaas ku dhibaataysan xerada kaam ajuuraan ee magaalada boosaaso

Duqa degmada boosaaso Xasan Cabdala Xasan ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa,id oo uu kaga hadlayay nolol xumada soo foodsaartay barakacayaashaas uu sheegay cid walba ay gacan biniaadnimo ka gaystaan gaar ahaan hay,adaha iyo gancsatada soomaaliyeed oo ay ka faa,iidaystaan bisha barakaysan ee fooda nagu soo haysa.

Ugu danbayntii xerada kaam ajuuraan ee boosaaso kaga taal dhinaca bari ayaa waxaa uu dab qabsaday arbacadii aynu ka soo gudubnay dabkaasoo baabiyay aqaladoodii iyo agabyadii yaraa ee u yaalay xiligaas ka dibna ay ahaayeen dadkaas kuwo alle u maqan oo aan haysan cid ilaa haatan gargaarta.

Sawiro



Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso