Ciidamada Maamulka Demada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa howl ay ka sameeyeen degmadaasi waxa ay gacanta ku soo dhigeen Waxyaabaha maanta dooriya oo ay sameynayeen dad qeybo ka mid ah degmadaas.

C/laahi Ibraahim Sahal Gardhub gudoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Saraakiisha Police-ka Degmadaasi ayaa warfidiyeenada kula hadlay xarunta degmadaasi, waxaana ay sheegeen in Ciidamada Howl galada ay sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Waxyaabaha maanka dooriya oo u badnaa nooca looyaqaan Calaq, Xashiishado iyo Qamri.

Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen dadkii sameynayay oo qaab ganacsi ahna uga waday degmada kuwaasi oo isugu jira Rag iyo Haween Iminkadana ay xabsiga ku jiraan.

Saraakiisha Police-ka ayaa iyana sheegay in dadkani la soo qabtay sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qaadayo xukun sharci ah ayna iminka soconeyso su’aalo weydiimo lagu wado.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Maamulka Degmada Xamarweyne Baaritaano uu ka sameeyo deegaankaas ay ku soo qabqabtaan Waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo qeyb ka ah amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC INternational Muqdisho