Heshiis ayaa dhexmaray gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne, kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu ka dhexeeyay khilaaf hoose.

Kulan dib lagu wada heshiisiinayay labadan masuul oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha ciidanka Hiil walalal ee Jabuuti ayaa ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana  la isugu keenay labada masuul kuwaas oo goobta ka sheegay in ay ku faraxsan yihin in uu hehiis dhexmaro

Arimo ku saabsan canshuuraadka iyo hab maamulka gobolkaas ayuu ku saleysnaa qilaafka labada dhinac waxaase uu haatan u muuqdaa mid soo gaba gaboobay.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.