Maamulka degmada Baardheere ee Xarakada Shabaab Almujaahidiin ayaa soo saaray Amaro dhowr ah oo quseeya shacabka magaalada Baardheere ee gobolkaasi Gedo, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Haweenka oo markale lagu amray in ay xirtaan dharka xijaabka, Dhalinyarada Fooda dheer oo iyagu loo digay, Hagaajinta Nadaafada Deegaanka, xiliyada salaada oo la xaadiro misaajida iyo goobo furan oo aan xiliyadaasi la arki Karin .

Amarkaasi ayaa loogu sheegay qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u hogaansamaan, waxaanu ka soo baxay xafiiska Amniga ee Xarakada Shabaab Almujaahidiin ay ku leeyihiin magaalada Baardheera ee gobolkaasi Gedo .

Amarada kor ku xusan iyo weliba kuwo kale oo ay ka mid yihin xiliyada Habeenkii ah laga bilaabo afarta Saac ee fiidnimo ama tobanka aan lagu arki Karin wadooyinka magaalada dad rayid ah, hadiise ay jiraan xaalado deg deg ah la ogeysiiyo laamaha xafiiska Amaanka, ayaa lagu soo rogay dadka deegaanka, waxaana lagu sheegay hadii ay u hogaansami waayaan la qaadi doono talaabada ku haboon .

Sh Xudeyfi Maxamuud C/laahi oo ah madaxa Amniga baardheere ee xarakada Alshababa ayaa sheegay in qodobadan ay yihin kuwo ay ku celinayaan isagoona si gaar ah diirada u saaray in laga digtoonaado burinta amaradaas isagoona ugu baaqay bulshada in ay raacaan amaradaas, hadii kale laga qaadayo talaabo sharci ah.

Sikastaba ha ahaatee ma ahn markii ugu horeysay oo ay amaro ceynkan oo kale ah soo saaraan xakarada Shabaab Almujaahidiin ee ku sugan gobolka Gedo waxaana lagu sheegay awaamiirtani in ay yihiin kuwo ka qeyb qaadanaya sugida Amaanka .

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo