Maamulka Ahlusuna ee Galgaduud oo Barakacayaal u dalbay Gargaar Deg deg ah

Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee Goboleda Dhexe Soomaaliya ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka ee kala duwan in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ku jira Xeryaha Barakaca ee ku yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Galgaduud.

Degmooyinka ay sheegeen Culimada Ahlusuna in ay ka jiraan xaaladaha nololeed ayaa waxaa ka mid ah Degmada Caabudwaaq iyo sidoo kale Degmada guriceel ee gobolkaasi.

Waxyaabaha kala duwan ee ka codsadeen Maamulka Ahlusuna hay’adaha samafalka ayaa waxa ka mid ah Dawooyin iyo Raashin, kuwaasi oo ay siweyn ugu baahan yihiin dadka barakacayaasha ku jira xeryahaasi.

Sh Xasan Cabdi Cali gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in Maamulkoodu iminka uusan awood u laheyn Gargaar ay u fidiyaan dadkaasi Tabaaleysan oo aan aheyn in ay hay’adaha Samafalka uga dalbaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladaha nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee ku sugan gobolkaasi Galgaduud ayaa sheegaya in qoysas cusub oo barakac ah ay soo gaaren deegaanada ay ka taagneyd xaaladaha nololeed, kuwaasi oo ka yimid degmooyinka ceelbuur iyo wabxo ka dib markii halkaasi ay ka soo cusboonaadeen dhaq dhaqaaqyo dagaal.

Si kastaba ha ahaatee barakacayaasha ku sugan xeryooyinka ku yaala gobolka Galgaduud ayaa mudooyinkii ugu dambeysay muujinayay gar gaar dalab, iyadoona aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay masuuliyiinta Maamulka Ahlusuna u gar gaar dalbaan dadkan tabaaleysan.

SBC INternational Galgaduud.

 

Daalacatey :316

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print