Maamulka Ahlusuna walajaamaca ee gobolada Dhexe gaar ahaan kan degmada Guriceel ee gobolkasi Galgaduud ayaa soo saaray Awaamiir ay ku mamnuucayaan hubka sharci darada ah ee ay dadku isticmaalaan.

Maamulka Ahlusuna ee Degmadaasi Guriceel ayaa sheegay in sababta arintan ay awaamiirta uga soo saareen ay tahay in la adkeeyo amaanka lana gaarsiiyo heer qofwalba ay amini karto amaanka deegaanka .

Cali Baashe Aadan Diiriye oo ah gudoomiye ku xigeenka Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee degmadaasi Guriceel ayaa saxaafada u sheegay in arintani ay tahay mid ay ka fikireen kalana hadleen odayaasha deegaanka, saraakiisha iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ka dibna la isla qaatay in talaabadan lagu dhaqaaqo.

Waxa uu ka dhawaajiyay cali baashi in qof walbaa qorigiisa uu iska heysankaro balse loogaga baahanyahay in aanu gurigiisa la soo dhaafin,

Waxa uu intaasi raciyay gudoomiye ku xigeenku in cidii ka hor imaada awaamiirtaani loo aqoonsanayo dad doonaya in ay falal amaan daro ka fuliyaan deegaanka lagana qaadayo talaabo sharci ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arimahan ayaa ku soo aadaya xili loogaga diyaar garoobayo deegaanada ay ka arimiyaan Ahlusuna xuska maalinta xornimada Soomaaliya ee 1da luulyo.

SBC International Dhuusamareeb.