Maamulka ahlusuna waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay ku guuleysteen kala qaadista Maleeshiyaad maalin nimadii shalay ku dagaalamay Degaano ka mid ah gobolka sida deegaanka Xarar guuro iyo deegaano kale.

Iska hor imaadka dhexmaray albadaasi Beel ayaa dhacay maalin nimadii shalay iyadoona uu sababay iska horimaadkaasi dhimasho iyo dhaawac tiro badan, iyadoo inta la ogsoonyahay ay iska horimaadkaasi ku dhinteen dad kor u dhaafaya 5 qof halka tiro intaasi ka badana ay dhaawac yihiin.

Macalin C/raxmaan Cali Geeda qorow gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay mar uu la hadlayay xafiiska SBC ee gobolkaasi in ay kala qaadeen maleeshiyaadkii dagaalama, iminkadana xaaladu tahay mid degen oo aan laga baqa qabin dagaal.

Mr Geeda qorow waxa uu intaasi ku daray in maleeshiyaad beeleedyadan ay markii hore isku qabteen baraago laga qoday deegaanka ay ku dagaalameen ka maamul ahaana baraagihii ay dhibaatadu ka dhalatay ay maanta Aaseen.

Dagaalkii halkaasi ka dhacay ayaa saameyn buuxda ku yeeshay dadka deegaanka iyadoona ay dadka bilaabeen barakac, balse xaalada ayaa hada degen mana jiraan wax xiisado dagaal oo deegaanadii lagu dagaalamay ka jira.

Sikastoo ay ahaataba ma ahan marki ugu horeysay oo eegaano ka mid ah gobolada dhexe ee dalka ay ka dhacaan dhacdooyin ceynkan oo kale ah, inkastoo ay maamulka Ahlusuna ee goboladaasi ka arimiya ay u istaagaan xalinta khilaafaadyada dhaca.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Dhuusamareb.