Howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Amaanka Ahlusuna waljamaaca ee Degmada Caabudwaaq ayaa waxay ku soo qabteen waxyaabaha , taas oo ay u soo bandhigeen maanta saxaafada.

Madaxa arimaha bulshada ee ahlusuna Sh Mahan Qaliif Rooble ayaa u sheegay xafiiska SBC ee Galgaduud in waxyaaba ay soo qabteen ay ahaayeen waxyaabaha qarxa islamarkaana lagu qariyay goob qashin ama xashiish yaalo.

Waxaana uu intaasi ku daray in goobtaasi oo aheyd bartamaha magaalada loona maleynayo in loogu talagalay waxyaabahaasi in lala eegto saraakiisha gobolka, isagoona intaasi raaciyay in ka dib markii ay heleen waxyaabahan qarxa ay ciidanku sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo lagu doonayo in lagu ogaado kooxihii halkaasi dhigay bale aan jirin ilaa iyo iminka cid lo soo qabtay.

Sikastaba ha ahaatee qaraxan lasoo qabtay ayaa waxuu imanayaa xili mudo 4 maalin un ka hor qarax lagula eegtay gudaha Guriceel gudoomiyaha degmadaasi ee Ahlusuna waljamaaca.

C/jamaal Macalin
SBC International Galgaduud