Maamulka Galmudu ayaa maanta ku wareejiyay baabuur laga dhacay dhinaca Puntland iyo danbiilayaal faldanbiyeed ka geeystay Galmudug oo kasoo jeeda Puntland .

Wareejintaan oo ka dhacday saldhiga booliiska Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiya ku xigeenka  gobolka Mudug ee Galmudug Aweeys Cali Saciid iyo gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey ,taliyaha qeeybta booliiska Galmudug G/sare Maxamad Nuur Cali taliyaha qeeybta gobolka mudug ee Puntland Jaamac Axmad Maxaed sandaqad masuuliyiin kale iyo dadkii gawaaridaas lahaa .

Waxaa ugu horeeyn halkaasi kahadlay saraakiisha booliika labada dhinac oo ayagu sheegay ineey dadaalkaasi wadi doonaan ayna tahay wada shaqeeynta booliiska aysan marna joogsandoonin .

Waxaa sidaa oo kale aya guna u mahad naqay gudoomiya yaasha labada dhinac ciidamada Galmudug oo dadaal dheeraada sameeyay markii ay hoowshaani dhacday sameeyay dadaal aad u balaaran oo ay kusoo qabqabteen gawaaridii ladhacy iyo danbiilayaashii falalkaasi geeystay. 

Liibaan C/laahi Faarax Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo