Masuuliyiinta Maamulada Deegaanada Maamulka Ahlusuna waljamaaca ay ka arimiyaan ayaa kulan uga soconayaa gudaha Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Maamulkaasi.

Kulanka dhexamraya masuuliyintaasi ayaa waxaa loogaga hadlayaa arimo badan oo ay ugu weyn tahay sidii loo adkeynlahaa amaanka la isagana kaashan lahaa.

Waxaa ka mid ah qodobada sida gaar ka ah kulankaasi lagu jeex jeexi doono arimo ku aadan sidii loo diyaarin lahaa ciidamo gaar ah oo amaanka ka howlgala degmo walbana ay si gaar ah isaga xilqaanto sidii ay u ilaalin laheyd amaanka dadka ku sugan goobta ay masuulka ka yihiin .

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa qeybo ka mid ah gobolka waxaa ka dhacayay kulamo ceynkan oo kale ah oo ay soo abaabuleen maamulada Ahlsuna waljaamaca ee deegaanadaas.

Dhowaan ayay aheyd markii kulan looga hadlayo amaanka iyo adkeyntisa uu degmada Guriceel ku dhexmaray Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya iyo maamulka Ahlusuna waljamaaca,.

SBC International Dhuusamareeb.