Kulankan oo ka dhacay Hotelka Gulf Palace (Shariifka) ee xaafada Islii ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiinta, ganacsatada, waxgaradka, nabadoonada, culumadiinka, haweenka iyo dhalinyarada ee beesha Wacbuudhan Abgaal. Falanqeyn badan ka dib ayaa halkaas lagu magacaabay maamul goboleedka “Xamar iyo Xamardaye State” isla markaana loogu doortay madaxweyne goboleedka Jibriil Maxamuud Jilacoow oo ahaa murashaxa kaligiis u taagnaa kuna guuleestay 100% cod gacantaag ah.

 Masuu’liyiinta hadalada ka jeediyay munaasabada ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiya beesha Wacbuudhan mudane Cadbulle Iike, Latailiyaha guddoomiyaha Xaaji Muxyadiin Cugaal, madaxa siyasada ee maamul-goboleedka Yuusuf Axmed foodeey (xaaji dool), guddoomiyaha gudiiga haweeynka beesha Wacbuudhan Marwo Xaawo Daash, guddoomiyaha

Murashaxa loo doortay madaxweyne goboleedka, Jibriil Maxamuud Jilacow ayaa ugu dambeyntii u mahadnaqay ka soo qeybgalyaasha iyo sida ay codka aqlabiyada ah u siiyeen.

Waxa uu tilmaamay in qoomiyadaha Xamar iyo Xamardaye u qalmaan Maamulgoboleed anay dhistaan maadaama ay leeyihiin dhul baaxad leh oo bad iyo wabi leh, shacbiweyne, dhaqaale ku filan, aqoonyahano iyo siyaasiyeen, waxaadna aragataan inay dhismayaan maamulo aan intaas iyo in u dhaw qabin. waxa uu sheegay in dhisida maamulkaan xamar iyo

Xamardaye aysan aheynmid lagu mucaaradayo ama lagu dhibaateynaayo maamulada kale ee jira sida Xibin iyo Xeeb.

 Si kastaba ha ahaatee maalmahaan ayaa waxaa soo badanayay maamul goboleedyada lagu sameyanayy dalka dibadaha gaar ahaan Magaalada Nairobi, iyadoo maamul goboleedkan uu ka mid noqonayo Maamulada lagu dhawaaqayo.

DAAWO SAWIRADA

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088