Maalinta Xoriyada Soomaaliya oo u diyaargarowgeeda Siweyn loo dareemayo

Qaban qaabada Munaasabada Xuska Maalinta gobanimada Soomaaliya ee 1da Luulyo ayaa siweyn loogaga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta, Bartamaha, Bariga iyo Waqooyiga Dalka .

Maalintan oo ah Maalintii ay Xornimada ka qaateen Gobolada Koonfureed Gumeystihii Talyaaniga ahan Midowga Labada qeybood ee Soomaaliya Waqooyiga iyo Koonfurta ayaa ah maalin ku weyn umada Soomaaliyeed islamarkaana loo sameeyo xus iyo xaflado loogu dabaal degayo.

Magaalada Muqdisho Caasimada dalka ayaa siweyn loogaga dareemayaa u diyaar garowga maalintan waxaana soconaya qaban qaabada xaflado waaweyn oo lagu wado in ay madaxda DKMG ah ka qeybgalaan.

Caawa ayaa ay ka bilaabandoonaan xafladaha loogu dabaal degayo maalintaas iyada ah iyadoona calanka la saaridoono bartamaha habeennimo .

Xafladaha iyo Munaasabadaha Maalintan lagu xusayo kuma koobna magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka oo qura waxaase ay ka socdaan qaban qaabada iyo diyaarintoodaba qeybo badan oo ka tirsan dalka sida gobolada Dhexe ee Dalka gaar ahaan gobolka Galgaduud ee ay badi gacanta ku hayaan Maamulka Ahlusuna waljamaaca.

Wariya SBC ee Gobolkaas ayaa soo sheegaya in siweyn loogaga dareemay isu diyaarinta masuuliyiinta iyo shacabka maalintan iyada ah.
waxaa iyana laga dareemayaa deegaanada Maamulka Puntland qaban qaabada munaasabadan siiba Magaalooyinka Garoowe oo xarun u ah Puntland iyo Boosaaso oo Magaalada ganacsiga ah.

Qeybaha kala duwan ee uruada Bulshada, Maamulka iyo dadweynuhuba waxay diyaarinayaan xaflado waaweyn oo 1da Luulyo lagu xusayo, kuwaasi oo ka kala dhici doona qeybo ka mid ah gudaha Magaalada Garoowe iyo Boosaaso.

Waxaan iyana la koobi karin xafladaha lagu talagalay maalintan ee ka ay qaban qaabadeeda ka socdaan deegaanada kale ee gobolada dalka, waana kuwo umada Soomaaliyeed ay ugu dabaal degayaan xornimada ay maanta heystaan 52sano ka dib beri oo kale.

SBC International Garoowe

Daalacatey :442

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print