Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna maamusayay maalinta saxaafada soomaaliya  ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta cilmi barista Puntland ee PDRC taasi oo ay soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta hidaha dhaqanka iyo isgaarsiinta  oo la kaa shanaysa urrurka ay ku midaysanyihiin saxafiyiinta Puntland ee MAP.

Waxana ka soo qayb galay xafaladaasi mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowlad aPuntladn uuna horkacayay madaxwayne ku xigeen dowalda Puntland Gen. C/samed Cali Shire ,urrurada haweenka dhallinyarada iyo aradayda wax kabarata machadka tababarka saxaafada ee Warsame Cabdi Shirwac.

Waxaana halkaasi laga soo jeediyay qudbado dhammaantood la xiriira maalinta saxaafa Soomaaliyeed oo noqonaysa sanadguuradii 39aad ee ka soo wareegtay markii uu soo Baxay wargayskii ugu horreeyay ee ku qoran afka soomaaliga waxaa iyana goob jog ahaa Kooxda fanka ee waabari Puntland ku waasi oo soo bandhigay heeso iyo majaajilooyin ka Tartumaya saxaafada.

Guddoomiye ku xigeenka ururka MAP Maxamed Daahir Yuusuf {Saalim}Ayaa ka Sheekeeyay wax qabadkii urrurka saxafiinta Puntland ee MAP muddadii uu dhisnaa Sidoo kala dowlada Puntladn ka codsaday in ay meel mariso xeerka warbaahinta Puntland oo la qoray sanadii 19999 sheegayna in dib u habayn lagu sameeyay sanadii 2007dii kuna booriyay wasaarda warfaafinta in ay xeerkaasi hor dhigto golaha wakiilada Puntland .

Wasiirka warfaafinta ,isgaarsiinta ,Hidaha iyo DHaqanka Puntland Axmed Cali Askar oo ka hadlay xafladaasi lagu maamuusayay maalinta warbaahinta soomaaliyeed ayaa Sheegay in uu u hambalyaynayo dhammaanba saxaafada soomaaliyeed sanadguuradaani 39aad.

Gabagabadiina waxaa xafladaasi si rasmia h u soo xiray madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Gen.C/samed Cali Shire oo sheegay in Puntland ay u soo jeensatay daryeelidda iyo wax u qabashada warbaahinta soomaaliyeed sidookalana sheegay in warbaahintu ay mararka qaarkood ka baxaan xadkoodii kulana dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka wadanka .

Sidoo kale qeybo farabadan oo ka tirsan Dalka ayaa laga xusay Maalintan saxafiyiinta Soomaaliya waxaana ka mid ahayed goobaha laga xusay Magaalada Muqdisho Xarunta Dalka taas oo lagu qabtay Munaasabado iyadoona ay wasaarada DKMG ah ee Warfaafinta ay hambalyeeysay saxafiyiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Sanadguuradaani ayaa noqonaysa tii 39aad eee ka soo wareegtay markii uu afka soomaaliga ku soo baxay wargayskii xidigta actober sanadii 1972dii iyadoona si wayn looga xusay deegaanda puntland maalintaasi xafladii ugu ballaarnaydna ay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe