Maanta waxa ay ku astaysantahay Maalinta Saxaafada Somaaliyeed waana Maalin ay si aad ah u xusaan guud ahaan bahweynta Saxaafaded.

Hadaba munaasabad lagu maamuusaayey Maalintaan ayaa waxa ay ka qabsonta gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari  taas oo ay ka soo qayb galeen  Guud ahaan Saxafiyinta ka howl gala Gobolka  Bari ,wasiiro ka socday xakuumada Puntland ,rugcadaayo waayo badan ku soo dhexjiray saxaafada , nabadoono iyo marti sharaf  aad  u tira badan .

Ugu horayn waxa munaasabada hadal ka jeediyey Gudomiyaha Gudiga qabanqaabada xafladaan  Axmed Muusa Cali (Jookar) oo isagu sheegay in ay maanta tahay  maalin qiima u leh guud ahaan bahweynta Saxaafada Somaliyeed  waxa uuna u mahadceliyey shirkadihii gacanta ka geystay qabsomida xafladaan oo ay ka mid ahad shirkada Golis ,Xalwo Kismaanyo iyo Hotel Juba .

Waxaa isagu madasha ka aqriyey dhacdooyinkii sanadkii la soo dhafay ay la kulmeen Saxafiyiintu C.naasir Siciid Maxamed  (Amuuraale) oo isagu ka mid ah bahweynta saxaafada Gobolka oo isagu ka sheekeyey guud ahaan weriyayaashii la dilay sanadkii la soo dhafay ,kuwi la dhaawacay iyo weliba majaajilaystayaashii lagu dilay gudaha Soomaaliya  uguna baaqay dowlada Federalka Somaliya in ay wax ka qabtaan xariga iyo dilalka lagula kacayo weriyayasha Somaliyeed.

Waxaa dhankisa hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyey saxafiyiinta Duqa Degmada Bosaso Xasan C.dalla Xasan kuna dhira geliyey in ay sii wataan shaqadooda isago dhanka kalena ilaah u baryey inta dhimatay in uu u naxariisto .

Garaad C.laahi Cali Ciid waxa uu ka mid ahaa Isimadii madasha hadal ka jeedisay  isagoo ku dhiira geliyey saxafiyiinta in ay sii wataan howlohoda shaqo uguna hanbalyeyey maalintaan qaaliga ku ah guud ahan Safiyiinta Somaliyeed.

Saxaafiga ugu de,ada weyn  Saxafiyiinta ka howlgala Gobolka bari ahna rug cadaa in badan ku so dhexjiray saxaafada  prof. Khaliif  Maxamed  Barre ayaa halkaasi ka jeediyay kelmado aad loola dhacay isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Dhamaan masuuliyiintii halkaasi hadalada ka so kala jeediyay waxa ay u hambalyeeyeen saxafiyiinta iyagoo howlaha ay wadaan ku tilmaamay kuwo aad u wanaagsan oo looga mahadceliyo.

Wxaa xusid mudan in xafladaasi ay qeybo weyn ka qaateen shirkadaha Golis iyo Xalwo Kismaayo kuwaas oo intii ay socotay xaflada soo bandhigay kaalintooda.

Shirkada Golis waxa ay halkaasi ku soo bandhigtay abaalmarino ay ugu talagashay saxaafada islamarkaana qaab nasiib ah ugu weybisay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumada Puntland C/raxmaan Cabdi ayaa isagu ugu dambeyntii soo afjaray xaflada isagoona hambalyo kal iyo lab ah u jeediyay saxafiyiinta Soomaaliyeed xuska maanta ay xusayaan maalinta saxafiga Soomaaliyed.

 Sawiro















 Ibraahim Maxamuud yuusuf
SBC international Boosaaso