Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Nabada Aduunka isla markaasna lagu qabtay Xarunta Cilmi Baarista PDRC ee Magaalada Garowe,

Waxaana ka soo qayb galay xafladan Masuliyiin ka kala socday Maamulka Puntland Ha’yadaha Caalamiga ah iyo Kuwa maxaliga ah, iyo sidoo kale kooxaha sugaanta

Inta Badan qudbadihii laga soo jeediyay Munasabada ayaa waxaa masuuliyiintii ka hadlay ay diirada saarayeen Dhanka nabada oo uu barnaamijku quseeyey sidii laysaga kaashan lahaa Nabada ka wada shaqynteeda iyo muhiimada ay leedahay

Agaasimaha Ha’yada Cilmi Baarista PDRC C/raxmaan Cabdulle Shuke  oo isagu wada Xuskaani ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay micnaha Xuska Maalinta Nabada Aduunka waxaa loo xuso waxaana uu sheegay in ay tahay maalin aan diini ahayn laakiin aduunku uyaqaano maalinta nabada ayna muhiimtahay in laysku baraarujiyo qiimaha nabada ay leedahay

Wasirka Dowlaha Maamul wanaaga Madaxtooyada Maxamed Farax Gashaan oo isna ka hadlay ayan ka fogayn Hadalada Masuliyinta kale waxaa isna ka hadlay Xuskani Maalinta nabada iyo Diintu waxaa ay ka qabto isagoo soo qatay in aman daradu tahay mid nolasha wax u dhimaysa isagoo tusale u soo qaatay mid ka mida xildhibaanada Puntland oo xalay lagu dilay Magalada Galkacayo, waxaana uu ugu baaqay bulsha waynta Puntland in ay adkeeyaan isagoona intaas ku daray in dhawaan uu filayo in maxkamad la soo taago dadka loo hayo dambiyada dilka ah ee Puntland ka dhacay mudooyinkan.

Inta ay  soctay Minasabdu waxaa lagu soo bandhigay Sugaan ay soo jediyeen Haween Somaliyeed oo ay ku cabirayan Nabada iyo qimaha ay ledahay, Iyadoona galabta ciyaar lagu maamusayo munaasabada maalinta nabadu ay ka dhicidoonto garoonka mire aware ee garawe.

Filo Sawiro,…

C/naasir Yaasiin salaad
SBC International Garoowe