8 Bisha marso waa maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday inay noqoto maalinta haween waynaha addunka taasi oo siwayn looga wada xuso Guud ahaanba daafaha dunida sidaasi si lamid ah waxaa maalintaani siwayn looga xusay deegaanda Puntland iyadoona xaflado si quruxbadan loo soo agaasimay ay ka dheceen Guud ahaanba Gobalada iyo dagmooyinka deegaanada Puntland waxaana isku duba ridka xafladahaasi qayb ka ahayd wasaarada horrumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland .

Waxana Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ay ka dhacaday banaanka hore ee xarunta wasaarada Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ayna ka soo qayb galeen Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntland ,Marwada Madaxwaynaha Madax kakala socotay labada Gole ee dowlada ,Hay’adaha Caaliga ah ee ka howl gala deegaanada Puntland iyo dhammaanba ururada Haweenka ee Gobalka Nugaal kuwaasi oo kulabisnaa dhar ay ku qoranyihiin halku dhagyo .

Wasiirada Haweenaka iyo arrimaha Qoyska Ee Puntland Marrwo Caasho Geele Diiriye oo ka soo jeedisay khudbad dheer xuska maalinta haweenka adduunka ayaa ku dhawaaqday hal ku dhaga sanadka 2012 xustayna in xafladaani ay ka dhacayso guud ahaanba deegaanda Puntland.

Caasho geele wasiirada haweenak ee Puntland ayaa sidoo kale xustay in sanadaani ay wasaaradu ugu tala gashay abaal marino iyo tartamo dhanka ciyaaraha ah munaasada 8maarso awgeed….

Madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland Gen.C/samed Cali shire oo xaflada hadal kooban ka jeediyay ayaa ayaa hambalyo u diray dhammaanba haween waynaha soomaaliyeed xusayna in haweenka soomaaliyeed ay door muuqda kaga jiraan nolasha qoysaska soomaaliyeed.. Intii ay xafladu socoytay waxaa halkaasi heeso iyo majaajilooyin ka tarjumaya qiimaha hooyada ka soo jeediyay kooxda waabari Puntland oo qayb ka ahaa munaasabada 8maarso…

Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe