Magaalooyinka waaweyn ee Dalka oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho Xarunta dalka waxaa maanta siweyn looga xusay Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed  hadii si kale loo dhigana ah aas aaskii ururkii dhalinyarada ee dhaliyay xornimada Soomaaliya SYL taasi oo ku beegan sanad walba 15 May maanta oo kale

Xaflado si heersare loo soo agaasimay ayaa waxay ka dheceen goobo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho waxaana xaflad balaaran ay ka dhacday xarunta madaxtooyada DKMG ah waxaana siweyn ay ugu dabaaldegayeen maalintooda dhalinyaro badan oo halkaasi isugu yimid.

Waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin farabadan oo ay ka mid ahaayeen kuwo ka tirsan ururada Bulshada sida dhalinyarada iyo Haweenka iyo weliba kuwo ka socday DKMG ah ee Soomaaliya sida wasiirka Dhalinyarada Xukuumada FKMG ah Max’ud Jirde Xuseyn .

Dhamaan dadkii halkaasi ka wada hadlay ayaa waxay muujiyeen maalintan muhiimada ay u leedahay guud ahaan umada Soomaaliyeed qaas ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay tahay maalinta aas aaska ururkii horseeday xornimada haatan ay harsanayaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Magaalooyinka Waaweyn ee gobolada Dhexe ee dalka siiba Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka dhacay Xaflado waaweyn oo maalintan maanta ah lagu xusayo kuwaasi oo ay badigood soo qaban qaabiyeen dhaliyarada Deegaanadaas iyadoona siweyn isugu soo baxay wadooyinka iyo goobaha lagu xusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliya.

SBC INternational Muqdisho