Munasabadan oo lagu qabtay Xarunta Jamacada PSU ee Magaalada Garowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax uu ka mid ahaa Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole Wasiradda Wasarada dhalinyarada iyo Ciraraha Ururadda Dhalinyarada Iyo Marti sharaf kale oo ka socday Ha’yada qaramada Midoway oo qayb ka ahaa Barnaamijkaan oo lagu xusayey Malinta dhalinyarada Calamka oo aan horay Garowe looga xusi jirin .
Wasirka Dhalin yarada Shaqadashaqalaha iyo Ciyaraha C/wali xirsi Cabdule indha Guran ayaa Hakaasi ka hadlay waxaana uu sheegay in dhalin yarada Puntland ay ka badbaaday Dagaaladii sokeeye balse ay jiran falal kale oo ay ka mid yihiin burcad badenimo iyo kuwakale, taasna ay tahay mid loo baahan yahay in dhalinyaradu ay ka fogaato iskana ilaaliso.
Xuskaan oo ay iska kaashanayeen Ururka DHalinyarada ee YPEER iyo Wasaarada dhalinyarada ayaa waxaa uu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimahay, Sahra Abdi Maxamuud waxaa ay ka mid tahay Dhalinyarada ururka YPeer oo soo qaban qabiyey waxaana ay ka hadashay halkaas iyadoona ku dheeraatay arimaha Dhalinyarada iyo xuska maalintan qiimaha badan.
Madaxwaynaha Puntland C/raxman Maxamed Maxamud Farole ayaa ku sheegay dhalinyarada in ay leeyihin Kuwa xun iyo kuwa wanaagsan balse timaamay in ay badankoodu yihiin kuwa sanadihii ugu danbeyay wax bartay cilmina leh dalkooduna uu sugayo.
Dhinaca kale ayuu madaxwaynuhuuayuu ku edeeyay dhalinyarada in ay iyagu yihiin kuwa dilalka Gaysta loona bahanyahay in layska dhex qabto ayna ka hortagaan wax alaala wixii dhibaateynaya Amaanka.
Sawiro.
C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe