Xaflad Si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana gun dhig u aheyd xuska Maalinta Aas aaska ciidamada Police-ka Soomaaliya ayaa ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho xarunta dalka

Madax sar sare oo uu ugu horeeyo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, xubnaha golaha wasiirada iyo weliba saraakiisha Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa xaflada.

Waxaa ay ku soo bandhigeen Halkaasi ciidamada Police-ka Qeybahooda kala duwan gaada kaciyaar siweyn loola dhacay iyagoo qeyb qeyb y marayay goob loogu talagalay in ay maraan oo ka tirsan xerada General Kaahiye oo ay xafladu ka dhaceysay.

Madaxdii halkaasi ku sugneyd ayaa soo jeediyay qudbado ku aadan xuskan maalinta ciidanka Police-ka Soomaaliya 69sano ka dib iyagoo shegay in ciidanka boliisku yihiin kuwo aad ugu muhiimsan shacabweynaha ilaaliyana amaanka dalka iyo dadkaba.

Raiisul wasaare Saacid ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Police-ka Sanadguuradooda 69aad, waxaanu u rajeeyay horumar iyo in ay xooga saaraan sugidda Amaanka gudaha dalka.

Fanaaniin iyo ciidamada Baambeyda ayaa iyana goobta ku soo bandhigay Dabaal deg balaaran o ay ku maamuusayeen maalintan taas oo ay si weynuga heleen dadkii ku sugnaa gudaha General Kaahiye.