Maalinta 21Bisha febraayo waa maalinta caalmiga ah ee  loo aqoonsaday maalinta afka hooyo taasi oo caalamka guud ahaanba laga xuso dunida daafaheeda iyadoona qola waliba ay xuso afkeeda gaar ah iyo hidaha iyo
dhaqanka ay gaarka u leeyihiin .

Sidaasi looga xusay caalamka oo idil maalintaani waxaa iyana laga xusay maalinta afka hooyo gudaha wadanka soomaaliya gaar ahaan deegaanda Puntland waxaana xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen madax ka tirsan labad aGole ee dowlada oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland Gen.C/samed Cali shire ,ururada Haweenka ,Dhaliinyarada ,aqoonyahano ,ardayda waxkabarata jaamcada PSU ,Abwaano Fanaaniin Iyo marti sharaf kale oo lagu casumay ka soo qayb galka xuska maalinta afka hooyo ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee jaamacada PSU .

Xusitaanka Maalintaani afka Hooyo ayaa waxaa lagu bilaabay suugaan goos goos ah oo ay halkaa is ka soo jeediyeen abwaano caan ka ah gudaha wadanka soomaaliya taasi oo ku aadanayd sida loo marin habaabiyay afkeena hodanka ah ee soomaaliga waxaa iyana xafladu intii ay socotay halkaais heeso iyo majaajilooyin ka tartumaya muhiimada afka iyi hidaha soomaalida halkaasi ak soo jeediyay Kooxda fanaaniinta ah ee waabari Puntland …

Wasirul Dolwaha Maamul Wanaga  Puntland Maxamed Farax Ciise Gashan oo ka hadlay unaasabada lagu maamusayay afka hooyo  kana mid ahaa Gudiga Hormarinta Afka Hooyo ee Puntland aya ka sheekeeyay waajibaadka loo aasaasay guddigoodaan iyo waxyaabihii u qabsoomay ilaa iyo jiritaankoodii..

Maxwayne ku xigenka Puntland Gen.C/samad Cali shire oo isna ka hadlay xuskaam Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo caalmaka guud ahaanab  manta laga xusay ayaa sheegay in afka somaligu uu yahay  af soo jireena
taariikh dheerna ku leh afafka dunida ka jira balse uu saameeyay burburkii soo gaaray wadanka soomaaliya…

Sanadii 1999kii ayay ahayd markii ay qaramada midoobay u aqoonsatay inay noqoto maalinta caaliga ah ee afafka dunida taasi oo sanadwaliba si diiran looga xuso guud ahaanba caalamka iyadoona ay noqonayso
sanadii labad ee laga xuso maalintaasi deeeganada Puntland .

Daawo Sawiro








Jihaan Maxamed Cabdi.
SBC International Garoowe