Maalmaha wacyi galinta talaalka Hooyada & Dhalanka  ayaa si rasmi ah maanta uga bilowday Dhamaan deegamada Puntland.

Munasabad  lagu dahfuray olahan wacyi galinta si dadku ay u aadan goobaha caafimaadka ilamha ka yarna 5 sano loo gayn laha  si loo talaalo ayaa lagu qabtay xarunta wasarada cafimaadka ee magaalada Garowe taasi oo ay ka soo qayb galeen  Masuuliyiin ka socday Wasarada Caafimaadka oo uu ka mid ahaa  wasirka Cafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame dhaman saraakisha cafimaadka oo iyaguna qayb ka aha sidii ay walidinta ugu dhiri galin lahayeena ubadkooda in ay geeyaan xarumaha talaalka si ay uga badbaadaan cuduradda dilaaga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Caafimaadka Dr C/risaq Xirsi Xasan  ayaa ka waramaya maalintaani waxaa ay ugu tala galeen iyo ujeedka laga leeyahay oo uu ku tilmamay mid bulshada lagu wacyi galiy

Dr sheikh Cali Waa madaxa ha’yada WHO ee Puntland  ayaa isna dhiciisa sheegay in maalintaani  ay ku wayntahay bahda cafimaadka oo looga fadhiyo wacyi galin aan kala go’lahayn  oo bulshada dhexedeeda ah.

Wasirka cafimaadka  Puntland Cali C/laahi Warsame  ayaa  sheegay in laga maari mayo wacyi galin bulsho sidaas la adliged loo bahan yahay mark walba in lagu bararujiyo bulshada cafimadka faa’idada uu leeyahay iyo talaalka

Gunanadkii  xafladaan lagu dahfurayey maalmaha  wacyi galinta Cafimadka oo manta Puntland laga bilabay ayaa waxaa lagu soo bandhigay majaajiloyin quseyay talaalka

DAAWO SAWIRADA

C/naasir Yaasin
SBCInternational Garoowe