Dhimashada hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida oo la doon doonayey mudo ka badan 10 sano waxay dunida ku noqotey mid kadis ah oo aan horey xog iyo tasaafiil midna looga hayn sida ay u dhici doonto, qaabka loo abaabulayo iyo waliba cida fulinaysa, waxaa kale oo dunida ka noqdey su’aasha ilaa iyo hada la iswaydiinayo sida sahlan ee ay u dhacdey dilka Osama Bin Ladin.

Laakiin Waxba waxbaaba ka sii darene Osama Bin Ladin halka lagu diley iyo daqiiqadaha uu socdey dagaalka uu ku dhintey waxay noqotey fajac iyo la yaab Bin Ladin oo marka magaciisa la maqlo cabsi iyo argagax ay  soo wajaho malaayiin qof oo dunida ku dhaqan, isla markaana la aamisanaa in dhimashadiisu ay salfan doonto nolasha boqolaal qof in tiro kooban oo ciidan ah ku dilaan meel aanba laga fileyn.

Kow iyo toban sano ayay qaadatey raacdeysiga iyo baadi goobka Bin Ladin waxaa mar mar badan laga sheegay in uu ku sugan gudaha Afgaanista, Pakistaan, Yemen, Cuba, Somalia iyo wadamada bariga dhexe, waxaaba kaloo jirtey sheekooyin mala awaal ah oo ah in uu iskaba joogo Mareykanka ama dalalka reer Yurub midkood, shakiguse wuxuu u badnaa in uu ku sugan yahay buuraleyda Afgaanistaan iyo Pakistaan u dhaxeysa.

Ma aheyn wax laga filayey in uu ku sugan yahay oo uu waliba degan yahay magaalo ay degan yihiin kumaan kun oo ciidamada Pakistan ka tirsan oo waliba xaruntooda ay u jirto boqolaal mitir halka uu ku noolaa sanooyin badan, ogow ciidamadaasi waa kuwii har iyo habeen u taagnaa inay ninkaasi mar uun soo qabtaan oo ay ku magac yeeshaan.

Hadaba dilka Osama Bin Ladin wuxuu aduunka ku sii yahay calamaad su’aal wali taagan oo jawaabteeda si dhab ah aan loo hayn, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira xaaladaha ku gadaamaan dhimashada Sheekh Osama Bin Ladin.

Hinaase dumar ayaa haligay hogaamiyihii Al-Qaacida

Jeneral Shaukat Qadir oo horey uga mid ahaa ciidamada military-ga Pakistan isla markaana ah duuliye diyaaradaha dagaalka aqoon dheerna u leh arimaha amaanka & sirdoonka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday xog si weyn loola yaabay oo su’aalo badan la iska waydiiyey taasi oo uu ku soo bandhigay in geerida Osama Bin Ladin ay ku timid xog waran dhanka sirdoonka oo ay heleen kooxaha mukhaabaraadka taasi oo ka dhalatey masayr ka yimid xaaska ugu weyn xaasaskii Osama Bin Ladin uu ka geeriyoodey ee xiligaasi la joogay.

Shaukat Qadir wuxuu sheegay in Khairiah Saber oo aheyd xaaskii sadexaad ee Bin Ladin isla markaana u dhashay shan wiil ay ka qaaday hinaase xaaskii ugu yared Bin Ladin oo lagu magacaabo Amal Ahmed Abdel-Fatah al-Sada oo u dhalatey Yemen taasi oo uu inta badan waqtiga la qaadan jirey uuna la hoyon jirey habeenkii taasi oo keentey in aargoosi ay arintaasi ula dan laheyd ay  bixisay xogta halka uu ku sugan yahay Osama Bin Ladin.

Jeneral Shaukat Qadir, oo baaritaan ku sameeyey hawlgalkii Mareykanku ku dileen Osama Bin Ladin bishii May ee sanadkii hore isagoo xusey in Saber ay sidoo kale la shaqeynaysay Al-Qaacida.

Shaukat Qadir wuxuu sheegay in mudo 8 bilood ah uu ku hayey baaritaan uuna dabasocdey shakiyada ku gadaaman dhimashada Osama Bin Ladin, wuxuu sheegay in uu fursad u helay in uu helo macluumaad sir ah oo laga helay guriga Bin Ladin ku dhintey, wareysiyadii lala yeeshay xaasaskii iyo caruurtii Bin Ladin oo qoraal ah iyo waliba document-yo kale oo uu ka helay laanta sirdoonka Pakistan.

Waxaa kale oo uu dhawr mar booqdey gurigii uu ku dhintey Bin Ladin isagoo arimahan oo dhan uu gacan ku siiyey taliyaha guud ee ciidamada Pakistan General Ashfaq Kayani.

Jeneral Shaukat wuxuu tibaaxay in uu rumeysan yahay in qof muhiim ah oo ku noolaa magaalada  Abbottabad oo aheyd magaaladii uu ku dhintey Bin Ladin uu qofkaasi u tagey Talipan, sirdoonka Pakistaan ee loo yaqaan Inter-Service inelegancy (ISI), isagoo ugu dambeyntii qofkaasi la xiriiray CIA-da.

Pakistan & ogaanshaha hawlgalka dilka Bin Ladin.

Jeneral Shaukat wuxuu soo qufay sir muhiim oo ay inta badan dafiraysay xukuumada Pakistan taasi oo aheyd inaanay war ka heyn weerarka lagu qaarijiyey Bin Ladin, waxaana uu sheegay Shaukat in kooxo ka mid ah sirdoonka Pakistan ay xog ka hayeen weerarkaasi.

Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa magaalada London wuxuu Axadii shaley qorey in Osama Bin Ladin qudhiisu uu ka warhayey xaalada taagan, laakiin uu ka rajo dhigay sida uu ku badbaadi karo.

Al-Qaacida & sir bixinta halka uu ku sugan yahay Bin Ladin

Jeneral Shaukat wuxuu ku xusay warbixintiisa balse aanu u hayn cadeymo rasmi ah in Al-Qaacida ay wax ka ogeyd xogta lagu bixiyey halka uu ku sugan yahay Osama Bin Ladin iyagoo ujeedada ay ka lahaayeen ay aheyd inay helaan dhaqaalaha 25-ka milyan ee Mareykanku dulsaarnaa madaxa Bin Ladin.

Xagee hadaba mushkiladu ka bilaabatey ?

Inta aynan u galin sida xaaladaaasi ay faraha uga baxdey waxaan eegaynaa hawlo kale oo la xiriira dhaqdhaqaaqa Osama Bin Ladin ee wadamada Pakistan & Afgaanistaan.

Wargeyska Al-Quds Al Arabi ee ka soo baxa magaalada London oo warbixin arintan ku aadan todobaadkan qoray soona xigtey hadaladii Jeneral Qadir wuxuu qoray in Jeneral Shaukat Qadir intii aanu ka fariisan hawlaha ciidamada Pakistan sanadkii 1998-kii uu aad ugu sameeyey baaris dhaqdhaqaaqyada Bin Ladin, wuxuu sheegay in wixii ka dambeeyey bishii September 2001-dii Bin Ladin aanu inta badan laheyn awooda maaamulka Al-Qaacida.

Jeneral Shaukat Qadir isagoo soo xiganayey qoraalada wareysiyada lala yeeshay xaasaska Bin Ladin wuxuu sheegay in Bin Ladin ilaa iyo dhamaadkii 2001-dii uu ku noolaa Buuraleyda Tora Bora ee dalka Afgaansitan, wuxuu kaloo sheegay in sanadkii 2002-dii Bin Ladin qaliin lagaga sameeyey mid ka mid ah kelyihiisa.

Jeneral Shaukat Qadir wuxuu ku xusey qoraalkiisa in qaliinkaasi wixii ka dambeeyey ay aad u yaraadeen firfircoonidii Bin Ladin ee la xiriirrtey hawlaha Al-Qaacida, isagoo xusey in loolan dhanka awoowda uu jirey, taasi oo ugu dambeyn sanadkii 2003-dii golaha Shuurada Al-qaacida ay go’aansadeen in si guud uu hogaanka ugu magacownaado Bin Ladin balse hawlmaalmeedka ay qabtaan raga kale oo uu ka mid yahay Ayman al-Zawahiri, sida uu ku sheegayo hadalkiisa Qadir, Al-Qaacida waxay Bin Ladin u heshay meel uu kula noolaan karo qoyskiisa uuna ku nabad gali karo halkaasi oo aheyd magaalada Abbottabad guri ku yaal, iyadoo inta badan fariimaha ay kula qaadan jireen isaga iyo xubnaha kale ee Al-Qaacida adeegsiga fariin qaadayaal lagu kalsoon yahay.

Laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii Osama Bin Ladin & 27 qof oo kale oo qaarkood guriga ku dhasheen ayna ka mid yihiin laba xaas oo uu qabey, caruurtiisa iyo ilaaladiisa waxay si nabad ah ku joogeen gurigaasi oo dunida inteeda kale ka go’aanaa aana laheyn wax telefoon ama Internet ah, ayna adkeyd sida lagu galo ama looga soo baxo.

Horaantii sanadkii 2011-dii gaar ahaan bishii February waxaa guriga la keenay Khairiah Sabar oo aheyd haween 60 jir oo u dhalatey Sacuudiga si fiicanna wax u baratey taasi oo aheyd xaaskii sadexaad ee uu guursado Bin Ladin ayna isguursadeen sanadkii 1985-tii, haweenaydan waxay Bin Ladin u dhashay shan wiil oo uu ku jiro Omar Bin Ladin oo haatan degan magaalada Doxa ee dalka qadar.

Haweenaydan waxay Bin Ladin la joogtey Afgaanistaan wixii ka horeeyey sanadkii 2001-dii, laakiin markii Mareykanka & xulufadiisa weerareen Afgaanistan oo la shaaciyey in la soo qabto Bin Ladin Khairiah Sabar & caruurtii ay u dhashay Bin Ladin waxay u baxsadeen dhanka dalka Iiraan, halkii ay u baxsan lahaayeen Pakistan.

Dawlada Iiraan ayaa xabsiga dhigtey iyada iyo dhamaan caruurtii ay wadatey sanadkii 2001-dii, balse 8 sano ka dib waxaa iyada kaligeed lagu soo daayey heshiis qarsoodi ah oo dhexmarey Al-Qaacida iyo Iiraan kaasi oo ahaa in Iiraan ku badalato Khairiah diblumaasi reer Iiraan ah oo Taliban iyo Al-Qaacida afduubteen sida uu qorey wargeyska New York Times oo soo xiganayey hadalka Jeneral Qadir.

 

Sanadkii 2010-kii ayaa la siidaayey Khairiah markii ay timid Afgaanistaan waxay dalbatey in ay u tagto ninkeedii (Bin Ladin), iyadoo go’aan ku gaareen golaha Shuurada Al-Qaacida inay ogolaadaan oo loogu geeyo halkii uu deganaa oo aheyd magaalada Abbottabad, taasi oo sidoo kale ku timid ogolaanshaha Bin Ladin ama taladiisa.

Markii ay Khairiah timid guriga jawigii oo dhan ayaa is badal shaki iyo su’aalo ayaa bilowday iyo waliba is huruuf, waxaana arintan si weyn u qaadqaaday wiil uu dhalay Bin Ladino o lagu magacaabi jirey Khaalid oo ay dhashay xaaskii shanaad ee Bin Ladin Sihim kaasi oo lagu diley hawlgalkii Aabihiis lagu qaarijiyey.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London oo arintan ka wareystey Jeneral Qadir wuxuu sheegay in Khaalid uu dhawr jeer su’aalo waydiiyey Khairiah Sabar isagoo waydiinayey “sababta ay u timid halkan (Guriga Bin Ladin ku noolaa), waxa ay doonayso iyo su’aalo oo shaki xambaarsanaa, balse waxya ugu jawaabi jirtey “Waxaan u imid ninkeyga raali ahaanshihiisa”.

“Markii Khairiah timid qof kasta shaki aad u weyn ayaa galey, dhamaantoodna ma aanay aamisaneyn iyada” ayuu Jeneral Qadir oo wareysiga siiyey wargeysk Guardian, isagoo intaasi raaciyey in uu qabo shaki ku aadan in qofka bixiyey xogta Bin Ladin lagu helay ay tahay Khairiah ayna tahay been abuur in la raad raacay fariin qaadihii Bin Ladin sida Mareykanku ku doodayaan.

“Wax kasta waxay is badaleen imaanshaheeda waxaana u muuqata in Mareykanku aanay waxba ogeyn” ayuu yiri Jeneral Shaukat Qadir.

Laakiin wargeyska New York Times oo soo xiganayey Jeneral Qadir wuxuu qorey in markii Khairiah Sabar timid guriga ay ka qaaday hinaase Bin Ladin oo dabaqa sadexaad ee guriga la deganaa xaaskiisa ugu yar Amal taasi oo keentey in ay aad uga maseyrto Khairiah Sabar, waxaana Qadir uu ku sheegtey xogtiisa in Bin Ladin aanu la seexan jirin labadiisa xaas ee kale oo kala ahaa Khairiah Sabar oo guriga timid iyo Siham oo 54 sano jir ah una dhalatey Sacuudiga taasi oo sadex caruur ah oo waa weyn oo ay dhashay oo uu ka mid yahay Khaalid ay guriga wada joogeen.

Wargeyska Al-Quds Al- Carabi wuxuu qorey in Bin Ladin qudhiisa uu dareemay qatarta ku gadaamaan imaanshaha Khairiah Sabar & inay ku soo jeesan karto, wuxuuna u sheegay labadiisa kale ee Xaas inay ka tagaan guriga iyaga iyo caruurtooda sababo dhanka amaanka ah, balse way ka diideen inay ka tagaan sida laga soo xigtey Jeneral Qadir.

Amal oo aheyd xaaskii ugu yareyd ee Bin Ladin una dhalatey dalka Yemen 31 sano jirna aheyd waxay aheyd dooqa Bin Ladin mar kasta aad ayey uga agdheyd, waxay kaloo kaalin weyn ka qaadatey habkii badbaadintiisa mudo sanooyin ah oo uu qatar ba’an galey, sida ay ka soo xigteen saraakiisha sirdoonka Paksistan oo wareystey markii la qabtey ee uu dhacay dilkii Bin Ladin waxay cadeysay in Khaalid (wiilka Bin Ladin), hooyadiis iyo 27-kii qof ee guriga joogay aad uga shakisanaayeen imaanshaha Khairiah ay u timid guriga.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Pakistan ee loo yaqaan ISI wuxuu u sheegay Qadir in mudadii ay wareysanayeen Khairiah ay aheyd qof aad rabsho badneyd oo mar mar u hanjabaysay saraakiisha wareysiga ka qaadaysay.

Warbixintan uu soo saarey Qadir waxay kaloo muujinaysaa in uu jiro tuhun ah in Ayman al-Zawahiri uu u adeegsadey , Khairiah sidii looga takhluusi lahaa Osama Bin Ladin oo ay Mareykanku u heli lahaayeen xogtiisa, taasi oo hadii ay soo baxdo cadeynteeda noqon karta qarax weyn oo shaki oo ka dhex qarxa hogaamiyeyaasha sar sar ee Al-qaacida.

Inkastoo aan cadeyn buuxda loo hayn in Khairiah ay ninkeeda dagtey ama khiyaantey hadana waxaa si weyn loo aaminayaa in imaashaha guriga ay timid ay daba socdeen sirdoon fursad u helay meesha ay ugu dambeyn tagtey taasi oo noqotey guriga Bin Ladin ku sugnaa isla markaana abuurtey in la helo xogta Bin Ladin, taasi oo dhici karta in iyadu aanay war u hayn mushkilada hawada kala socotey.

Warbixinta Jeneral Qadir waxaa kale oo ka mid ahaa in Bin Ladin mudooyinkii ugu dambeeyey uu xanuunsanaa oo uu qabey cuduro ka dhashay qaliinka kelida lagaga sameeyey isla markaana xusuusta mar mar ka tageysay.

HALKA RIIX

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com