Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Taliban ee ay bahwadaagta ku yihiin Al-qaacida la dagaalanka Mareykanka & xulufadiisa Mulah Cumar ayaa warar soo baxayaa waxay sheegayaan in la dilay.

Mullaha Maxamed Cumar hogaamiyaha Taliban

Cumar 00 52 sano jir ah wuxuu ahaa gacanta midi gee Cusama Bin Ladino o ay Mareyku ku dileen weerar ka dhacay Pakistan horaantii bishan May.Sirdoonka Paksitaan war laga soo xigtey waxay ku sheegeen in Mullah Cumar saaka waaberigii la dilay, isagoo ka baxayay magaalada Quetta eek u taal wadanka Pakistan una socdey gobolka buuraleyda ah ee ku yaal xuduuda Pakistan & Afganistan ee lagu magacaabo North Waziristan.

Laakiin dhaqdhaqaqa Taliban si adag ayay u beeniyeen wararka sheegaya in la dilay hogaamiyahooda, waxaana afhayeenka Taaliban uu ku tilmaamay warkaasi mid been ah

“Wararka la xiriira dilka amiirka Mu’miniinta “Cumar” waa kuwa been ah, wuuna nabad qabaa” ayuu yiri afhayeenka Taliban Qari Muhamad Yousaf.

Zabiullah-Mujahid afhayeenka Taliban

Sidoo kale Zabiullah Mujahid oo ka mid ah afhayeenada Taaliban ayaa isaguna si adag u beeniyey warkaasi wuxuuna ku tilmaamay war la sameeyey.

“Taniu waa uun iska propaganda, si buuxda ayaan u beeninaynaa wararkaasi la dhoodhoobay, isagu (Mullah Cumar) wuxuu ku sugan yahay gudhaa Afgaanistan, wuxuuna ku yahay mashquul kala jihaynta hawlgalada military ee uu u dirayo taliyeyaashiisa” ayuu yiri Zabiullah Mujahid. Sirdoonka Mareykanka & Pakistan ayaa la xaqiijiyey inay u weeciyeen bartilmaameedkooda Mullah Cumar tan iyo dilkii Hogaamiyihii Al-Qaacida Cusama Bin Ladin.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com