Sheeko aan horey warbaahinta looga sheegin oo la xiriirta dilalka joogtada ah ee ka dhacay wadanka South Afrika ee loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan wadanaasi ayaa waxaa daaha ka rogey mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa wadankaasi.

Wargeyska the Times ee ka soo baxa dalkaasi ayaa warbixin uu qorey Axadii dhaweyto wuxuu ciwaan uga dhigey Koonfur Afrika oo la soo galiyey dagaalka aamusan ee Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu ku bilaabay sheekadiiusa Bariga Cape Soomaalida Isirka isaga soo horjeeda oo dhaqaale ku bixinaya wax loogu yeeray “dagaalka aamusan”, “xasuuq” & “Isir sifeyn”.

100 kun oo Soomaali ah ayaa ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika, waxaana maalin kasta wadanka soo gala ku dhawaad 200, sidaasi waxaa sheegay sarkaal Soomaali ah oo ka shaqeeya waaxda amuuraha gudaha.

“Halkan waxaynu ku haynaa qabqablayaal dagaal kuwaasi oo dalka ku soo galey iyadoon la baarin, qaarkood halkan waxay u joogaan hawlgal” sidaasi waxaa wargeysku uu ka soo xigtey sarkaal aanu magaciisa carabaabin.

Hawlgal baaritaan oo socdey mudo laba bilood ah oo uu sameeyey wargeyska Daily Dispatch wuxuu sheegay in uu ku ogaadey in Soomaalida ku dhaqan Eastern Cape ay si weyn iska soo horjeedaan, kuwaasi oo si xun ugu dagaalamaya dhulalka ganacsiga, waxaana dadka u dhashay Koonfur Afrika loo adeegsanayaa dariiq caawimaad ah.

Dilal qorsheysan oo badan oo loo geystey dad Soomaali ah ayaa wargeysku wuxuu leeyahay baaritaankoodii markii loo gudbiyey Booliiska East London si ay u daba galaan waxay ku xaqiijiyeen inay jiraan liisas dilal ah, laakiin waxay sheegeen inaanay war ka heyn in dilkaasi uu u dhaxeeyo Soomaalida dhexdeeda.

Yusuf Ibrahim, oo ah afhayeenka ururka Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika gaar ahaan faraca deegaanka East London wuxuu muujiyey suurtagalnimada jiritaanka dilal qorsgeysan.

“Waxaynu ognahay jiritaanka in rag dilayaal ah ay ka yimaadaan Zambia, dhibaatada halkan ka jirtaana waa isfahamla’aanat dhexdeena ah” ayuu yiri Ibraahim.

Wargeysku wuxuu leeyahay waxaa jirey xiisado aan xooganeyn oo u dhaxeeyey kuwa Soomaalida ah ee Itoobiya dega oo loo yaqaan Ogaden ama Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo ay iska soo horjeedaan kuwa iyagu qudhoodu isku arka inay yihiin Soomaalida dhabta ah ama muwaadiniinta.

Wargeysku wuxuu kaloo xusey in ay jiraan dagaalo ku saleysan kumaa istaahila in uu helo qaxootinimada ama magangalyada siyaasadeed taasi oo u dhaxeysa Soomaalida dhexdeeda, arintaasi oo uu ku sheegay in badiyaa ay keento qofka Soomaaliga dhabta ah.

Wargeyska Daily Dispatch wuxuu sheegay in uu ku ogaadey baaritaan rasmi ah oo uu sameeyey in waaxda amuuraha gudaha ee South Africa ay ku bixiso magan galyada siyaasadeed ee ama aqoonsiga qaxootinimada hadba sida qofka doonaya uu ku sugan yahay wadanka uu sheegtey in uu ka yimid, iyadoo badiyaa la siiyo aqoonsigaasi dadka ka soo jeeda wadamada dagaaladu ka aloosan yihiin.

Baaritaanka wargeysku uu sameeyey wuxuu ku xusey in uu ogaadey in Soomaalidu u adeegsato ogolaansho ama qaadashada aqoonsiga qaxootinimada tigid ay ku abuurtaan ganacsi, waxay isku balaariyeen tuulooyinka, magaalooyinka iyo waliba goobaha miyiga ah. waaxda amuuraha gudaha ay Soomaalida u sheegtay in dadka loo aqoonsan yahay Soomaalida rasmiga ah ee ku haboon in la siiyo aqoonsiga qaxootinimada ay yihiin dadka ka soo jeeda qabiilka Ogaaden.

Wargeysku wuxuu leeyahay Ogadeenku waxay rumaysan yihiin inay u leeyihiin xaq inay ka ganacsadaan meel kasta oo ka mid ah Koonfur Afrika, iyagoo iskaba ilawsan aqoonsigooda qaxootinimo ama magangalyo.

Mid ka mid ah shaqaalaha waaxda amuuraha gudaha wuxuu sheegay in wareysiyada laga qaado dadka magangalyo doonka ah ay ka buuxaan qaladaad, isla markaana dab lagu sii shiday xiisadaha qabaa’ilka u dhaxeeya.

Labadii sano ee tagtey in ka badan 100 qof oo Soomaali ah ayaa lagu diley gobolka e Eastern Cape.

Magaalooyinka Port Elizabeth & East London waa ku yaal in ka badan 400 oo qabriyada Soomaali la diley sanooyinkii la soo dhaafay, Soomaaliduna waxay leeyihiin waxaa diley Soomaali ama rag la soo ijaartey.

Maxamuud Cabdi Diiriye oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadamaha Soomaalida ayaa sheegay inay sii kordhayso nacaybka labadan dhinac u dhaxeysa, wuxuuna sheegay in xasuuq uu ka dhacayo wadan shisheeye.

Sadex qof oo Soomaali ah ayaa lagu diley hab qarsoon, waxaana diley Soomaali la soo tababarey ama kuwa u dhashay Koonfur Afrika oo la soo kireysay lana siiyey lacaggaaraya 5 kun oo lacagta wadanka Koonfur Afrika.

Afhayeenka Police-ka Eastern Cape Brigadier Marinda Mills ayaa isaguna ugu dambeyntii yiri “Waxaa jira dagaal u dhaxeeya dadkan, kaasi oo ah ujeedkiisu ugu weyn dhulka ganacsiga, dagaalkan wali ciidamadaneedu ma aanay soo bandhigin wali wax cad”.

Hadaba wararkan ay baahiyeen saxaafada Koonfur Afrika ayaa la oran karaa waa kuwii ugu horeeyey ee lagu macneyn karo qaar ka mid ah dilalka ka dhacaya wadanka Koonfur Afrika ee loo geysanayo dadka Soomaalida.

Laakiin inta badan dilalkaasi waxaa lagu eedeyn jirey dadka u dhashay wadankaasi oo aaminsan in Soomaalidu kala wareegtey ganacsigii gaar aahan ganacsatada yar yar, laakiin sheekadan hada soo baxdey ayaa la eegi doonaa halka ay salka dhigato.

Keyse Caamir
SBC News Desk