Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey ayaa lagu sheegay in cunista mooska (Banana) ay qayb ka qaadato hoos u dhigida halista cudurka Stroke-ga oo mudooyinkii ugu dambeeyey dad fara badan oo caalamka ku dhaqan fara kulul ku haya.

Sadex caboo moos ah oo aad cunto sadex xili oo kale oo duwan waxaa la sheegayaa in 21% ay hoos u dhigto fursadaha uu ku imaan karo cudurkaasi oo dhiiga ku dhaca isla markaana maskaxda waxyeela.

Daraasadan oo ay iska kaashadeen qubaro u dhashay wadamada Talyaaniga & British-ka ayaa waxaa lagu sheegay in kumaankun oo cudurka Stroke-ga ah si weyn looga hortagi lahaa hadii la cuni lahaa noocyo ka mid ah qudrada cagaaran sida Koostada, iyadoo sidoo kale Kaluunka, digirta iyo looska ay qayb ka yihiin cuntada ku wanaagsan ka hortaga cudurka Stroke-ga.

Cudurada Stroke-ga oo ah cudur ay xirmayaan unugyada dhiiga qaada ee maskaxda gaarsiiya wuxuu maalin kasta ku dilaa wadanka UK 200 oo qof oo uu asiibo cudurkaasi.

Dad kale oo badan wuxuu cudurkaasi ka dhigaa kuwa lixaadka la’a halka marka labaad ee uu cudurkaasi asiibo ama marka sadexaad ay u geeriyoon karaan.

Afhayeen u haldey urur lagu magacaabo Stroke Association oo fadhigiisu yahay wadanka Uk wuxuu sheegay in cunista muuska, timirta iyo koostada ay hoos u dhigi karto halista cudurka Stroke-ga.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com