Laba gool oo ay dhaliyeen Franck Ribery & Mario Gomez daqiiqadihii 17-aad & 90-aad ayaa siisay Bayern Munich guul caaqibo leh oo ay ka gaartey kooxda Real Madrid ee martida aheyd oo gool uu u dhaliyey Mesut Ozil daqiiqadii 53-aad.

Kulankan oo ahaa lugtii labaad ee wareega Semi-final-ka waxaa lugta labaad lagu qaban doonaa garoonka kooxda Real Madrid ee Estadio Santiago Bernabéu 25-ka bishan, waxaana la ogaan doonaa sida laba kooxood ay ku maareeyaan kulankan iyadoo Real haysato gool away oo faa’ido u leh halka Bayern ay haysato laba gool oo Home ay ku dhashatey.

Habeen dambe waxaa la wada sugayaa Chelsea oo gurigeeda Stamford bridge ku martigalisa kooxda xiligan horyaalka Yurub ah ee Barcelona.

SBC News Desk

Si aad u goos gooska ciyaartaasi & wacdarihii garoonka ka dhacay riix link-ga hoose.
HALKAN KA DAAWO