Kooxda Liverpool FC ayaa ceyrisay tababaraheedii Brendan Rodgers.

Ninka u dhashay waqooyiga Ireland oo yimid Anfield sannadii 2012 ayaa cadaadis ku hoos jiray ka dib markii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedka.

Ciyaartiisii ugu danbeysay ee uu tababare u ahaa Liverpool waxa ay aheyd kulankii maanta ee Merseyside Derby ee ka dhacay Goodison Park taasoo ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen milkiilayaasha kooxda ee Liverpool ayaa lagu yiri:

“Waxaan jeclaan laheyn inaan si dhab ah ugu mahadcelino Brendan Rodgers shaqadii uu kooxda u soo qabtay iyo sida adag ee uu kooxda ugu heelanaa.

“Dhamaanteen waxaan qibrad u soo yeelanay waqtiyo fiican oo uu Brendan tababare ahaan ina gaarsiiyay, waxaana kalsooni ku qabnaa inuu waqti dheer ku riyaaqi doono waayihiisa tababarenimo.

“Inkastoo ay aheyd go’aan adag, waxaan aaminsanahay inay tahay fursada ugu fiican ee aan guulo ku gaari karno. Hami iyo guulo ayaa ah halbowlaha waxa aan dooneyno inaan Liverpool keeno, waxaana aaminsanahay in fursadaan ay ina siineyso inaan hirgelino hamigeena.

“Raadinta tababare cusub waa ay socotaa, waxaana rajeyneynaa in waqtiga ku haboon inaan ku dhawaaqi doono.”

Tababarayaasha sida Jurgen Klopp iyo Carlo Ancelotti ayaa loo saadaalinayaa inay Rodgers ka bedeli doonaan Garoonka Anfield.