Waxaa  la sameeyey isku aadka kooxaha ka qayb galaya wareega 16-ka ee horyaalka Champions League-ga waxaana fooda la isku galiyey kooxo waa weyn sida Napoli oo gurigeeda ku qaabili doonta kulanka ugu horeeya kooxda Chelsea, sidoo kale kooxda Arsenal ayaa kulanka ugu horeeya marti u noqon doonta kooxda AC Milan, taasi oo macnaheedu yahay in labada kooxeed ee Ingiriiska ee ka qayb galaya wareegan ay ku soo aadeen kooxo Talyaani ah.

Xusuuso

Kulankii ugu dambeeyey ee dhexmarey AC Milan & Arsenal kulan ka tirsan Champion League-ga waxaa0-2 aggregate ku badisey Arsenal ka dib markii ciyaaryahanka Cesc Fabregas oo dhawaan ku biiray Barcelona uu dhaliyey gool caaqibo badan daqiiqadii 84-aad kaasi oo uu labeeyey daqiiqadii 90-aad Emmanuel Adebayor oo haatan ka tirsan Manchester City balse amaah ahaan kula jooga kooxda Tottenham sidaasi waxaa looga tuurey wareega 16-ka AC Milan.

La soco

Arsenal sanadkaasi waxay noqotey kooxdii ugu horeysya ee Ingiriis ah oo ku garaacda AC Milan garoonkeeda San Siro ee magaalada Milan.

La soco

AC Milan waxay ku guuleystey 7 goor Champion League-ga iyadoo ka hooseysa 2 Real Madrid oo 9 jeer la hoyotey koobkaasi.

Taliyaaniga kooxda kale ee ka socota ee Inter waxay marti u noqon doontaa kulankeeda ugu horeeya kooxda Marseille  ee dalka Faransiiska.

La soco
Talyaaniga waxaa sanadkan ka socda sadex kooxood Napoli, AC Milan & Inter waana markii ugu horeysay oo uu ka bato Spain oo ay ka socdaan labada kooxood oo kaliya oo kala ah Barcelona & Real Madrid  tan oo ah markii ugu horeysay tan iyo isku aadkii 2004/05.

Napoli Vs Chelsea
Lyon v APOEL
Basle v Bayern Munich
Bayer Leverkusen v Barcelona
CSKA Moscow v Real Madrid
Zenit v Benfica~
Marseille v Inter Milan

Ku darso intii aad horey uga ogeyd;

Wareegan 16-ka sanadkan waxaa ka qayb galaya 7 kooxood oo horey ugu soo guuleystey koobkan kuwaasi oo kala Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich, AC Milan, Inter Milan, Marseille & Benfica , sidoo kale  kooxaha Basel, Napoli, Zenit St Petersburg ayey tahay markii ugu horeysay ay ka qayb galaan koobkan halka kooxda Apoel oo ah kooxdi iugu horeysay ee ka socota Qubrus (Cypriot) ee abid heerkan soo gaarta.

Wareegan waxaa ku soo baxay kaalinta koowaad ee Group-yada kooxaha kala ah:

Group winners: FC Bayern München, FC Internazionale Milano, SL Benfica, Real Madrid CF, Chelsea FC, Arsenal FC, APOEL FC, FC Barcelona

Kooxaha ku soo baxay kaalinta labaad.

Group runners-up: SSC Napoli, PFC CSKA Moskva, FC Basel 1893, Olympique Lyonnais, Bayer 04 Leverkusen, Olympique de Marseille, FC Zenit St Petersburg, AC Milan

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com