Waxaa soo gabagaboobay kulan adag oo ay caasimada dalka Jibuuti ku yeesheen xulalka qaranka Soomaaliya & Itoobiya, kulankan oo ahaa mid adag ayaa ciyaaryahanada Soomaaliya ee lagu naaneyso (Xidigaha Badweynta) waxay ku muujiyeen ciyaar aad u wanaagsan oo si weyn loola dhacay, waxaana ay 0-0 la galeen xulka Itoobiya.

Kulankan oo ka mid ahaa mid loogu soo gudbiyo isreebreebka koobka aduunka ee FIFA World Cup 2014 ee lagu qaban doono wadanka Brazil, ciyaaryahanada Soomaaliya waxay muujiyeen ciyaar wanaag iyadoo xulka Itoobiya si weyn isaga caabiyey, inkastoo ay iska qasaariyeen laba fursadood oo dahabi ah oo ay goolhayaha Itoobiya u tageen balse ay iska cuneen.

Itoobiyaanka ciyaaryahanka lambarka 8-aad u qaata oo ahaa ninkii isku hayey ciyaartoyda ayaa kaarka cas loo taagey, waxaana ciyaartoyda Soomaalida ay u jilib dhigeen weerarka Itoobiya.

Kulanka xiga waxaa xulka Soomaaliya uu tagi doonaa Itoobiya waxaana la ciyaari doonaa lugta labaad ee kulankan hadii ay Soomaaliya badiso waxay u soo baxaysaa isreebreebka kama dambeysta ah, waxaa la filayaa in maalinimada arbacada ay cashar adag u dhigaan xulka Itoobiya ee ay martida u noqon doonaan.

Fartuun Cali Axmed
SBC Jibuuti.