Ciyaar aad u adag oo lagu tilmaamay ciyaartii xiligan ayaa caawa ka dhacaysa garoonka caalamiga ah ee aduunka ugu qaalisan ee Wembley ee ku yaal galbeedka magaalada London, taasi oo dhexmareysa kooxaha Manchester United & Barcelona oo kala haysta Horyaalada England & Spain.

SBC waxay si toos ah idinkugu soo gudbinaysaa sawirada & daqiiqad daqiiqad natiijada ciyaarta halka ay mareyso insha ALAAH, hadaba mar  kasta refresh ku hay Pc-gaaga.

Garoonka waxaa hada ku soo qulqulaya kumaan kun oo taageerayaal ah, garoonku wuxuu qaadaa 90 kun oo qof, waxaa Spain ka yimid oo Barcelona la socda 12 kun oo taageerayaal ah.

Shaxda la filayo ee Manchester United

Edwin Van der Sar; Fabio, Rio Ferdinand, Nemanja Vidic, Patrice Evra; Antonio Valencia, Michael Carrick, Ryan Giggs, Park Ji-Sung; Wayne Rooney, Javier Hernandez.

Shaxda la filayo Barcelona

Victor Valdes; Dani Alves, Gerard Pique, Carles Puyol, Eric Abidal; Sergio Busquets, Andres Iniesta, Xavi; Pedro, Lionel Messi, David Villa.