Ciyaar adag oo u dhaxeysay xulalka kubada cagta  Soomaaliya & Itoobiyaanka ayaa  waxay ku soo dhamaatey 5-0 oo ay guushu ku raacdey xulka Itoobiyaanka.

Ciyaartan oo aheyd mid loogu soo baxay isreebreebka koobka aduunka ee FIFA World Cup 2014 Brazil waxaa lugtii hore lagu ciyaaray Jibuuti iyadoo lugta labaadna lagu ciyaaray magaalada Adis Ababa.

Kulankii hore ayaa ku soo dhamaadey 0-0 waxaase guusha maanta ay gaareen xulka Itoobiyaanka ay ka dhigan tahay inay u soo baxeen isreebreebkakama dambeysta ah ee knock out-ka ah, halka Soomaaliya ay sidaasi kaga hartey isreebreebka.

Ciyaartoyda Soomaalida ayaa mudo lagu diyaarinayey wadanka Jibuuti, waxaana sanadkan ka mid ahaa ciyaaryahano dibada laga keenay, waxaase maanta Soomaalidu ay ka niyad jabeen ciyaartii kulankii hore ee Sabtidii 12-ka November ka dhacdey magaalada Jibuuti sidii ay u ciyaareen ciyaartoyda Soomaalida ay u muujiyeen dadaalka in ciyaartii maanta aanay muujin.

Goal Goolka koowaad Itoobiyaanka waxaa u dhaliyey ciyaaryahanka Omod OKWURY oo sita lambarka 11-aad.

GoalGoalItoobiya waxaa goolasha labaad & sadexaad  u dhaliyey daqiiqadii 62-aad & 65-aad ciyaaryahanka  Shimeles BEKELE oo labarka 7-aad u sita Itoobiya.

Goal Goolka afaraad Itoobiyaanka waxaa u saxiixay daqiiqadii 87-aad ciyaaryahanka Getaneh KEBEDE oo lambarka 9-aad kaasi oo ka mid ahaa ciyaartooydii badalka ku soo gashay.

Goal Goolka shanaad waxaa u dhaliyey ciyaaryahanka Getaneh KEBEDE.

Yellow Card ama Kaarka Hurdiga 

Ciyaarta waxaa Soomaaliya ka qaatey kaarka hurdiga ama Jaalaha ciyaaryahanada kala ah Cali C/qaadir oo sita lambar 19-aad oo daqiiqadii 50-aad la siiyey kaarkaasi, iyo Cali Khaalid oo lambarka 10-aad sita oo daqiiqadii 27-aad la siiyey kaarkaasi

Itoobiyaanka waxaa ka qaatey kaarkii ugu horeeyey ee hurdiga ama Yellowga   ciyaaryahanka Birhanu BOGALE  daqiiqadii 84-aad0 ilaa iyo hada wax kaarka cas ama kaarka hurdiga lama siin.

Badalka ciyaartoyda InOut 

Somalia

Soomaaliya waxay badashay laba ciyaaryahan oo kala ah Cali Khaalid oo yellow card la siiyey laguna badaley Maxamed Cabdinuur daqiiqadii 46-aad iyo Cali /qaadir oo isna qaba Yellow Card waxaana lagu badaley daqiiqadii 60-aad Deeq C/laahi.

Daqiiqadii 79-aad Soomaaliya waxaa badal ku soo galey Maxamed Cusmaan oo sita lambarka 11-aad weerarkana ka ciyaara waxaana lagu badaley Maxamed C/casiis oo xirta lambarka 8-aad khadka dhexena ka ciyaara.

Itoobiyaanka

Itoobiya waxay badashay Dawit FEKADU oo sita lambarka 16-aad laguna badaley daqiiqadii 46-aad Mohamed Mesud oo sita lambarka 14-aad.

Sidoo kale Itoobiya waxya badashay ciyaaryahanka Fikru TEFERRA oo sita lambarka 17-aad laguna badaley daqiiqadii 63-aad Getaneh KEBEDE oo sita lambarka 9-aad.

Daqiiqadii 82-aad Itoobiyaanku waxay badal ku soo galiyeen Tesfaye BEKELE oo sita lambarka 3-aad difaacana ka ciyaara waxaana lagu badaley Mohamed Mesud oo lambarka 14-aad.

Ciyaartoyda Soomaaliya kulankan u safan iyo kuwa kale ee keydka ku jira ayaa kal ah.

Cali Mursal Qaalid (lambarka 1-aad goolhaye)

Cali Cigaal Yaasiin (Lambarka 3-aad)
Abuukar Cabdikariim (Lambarka 4-aad)
Sacad Saalax (Lambarka 5-aad)
Maxamed Xasan Cali (Lambarka  6-aad)
Maxamed Cabdicasiis (Lambarka 8-aad)
Ciise Abin (Lambarka 9-aad Captain)
Cali Khaalid (Lambarka 10-aad)
Aadan Xuseen (Lambarka 13-aad)
Saadaad Anwar (Lambarka 17-aad)
Cali C/qaadir (Lambarka 19-aad)
Dayib Axmed (Lambarka 2-aad)

Waxaa Soomaaliya keydka u fadhiya

Maxamed Cabdinuur (Lambarka 7-aad)
Maxamed Cusmaan (Lambarka 11-aad)
Macalin Axmed (Lambarka 12-aad
Daahir IIkar (Lambarka 14-aad)
Deeq Cabdulaahi (Lambarka 15-aad)
Kaasim Cali (Lambarka 16-aad)
Shariif Maxamed (Lambarka 20-aad)


CC Sulub
SBC Adis Ababa