Saacada 21:36 waxaa lagu dhawaqay firimbiga, guushu waxay raacdey Barce oo ku badsiay 3 gool

Saacada 21:33 Barcelona ayaa badashay Pedro waxaa lagu soo badaley Ibrahim Afelay

Saacada 21:32 waxaa buuxsantey 90-kii daqiiqo waxaa lagu darey 3 daqiiqo oo kaliya

Saacada 21:29 Barcelona waxay kaloo badashay Alves oo lagu soo badaley Kabtanka kooxda Barcelona Puyol

Saacada 21:26 Barcelona ayaa badalkii ugu horeysay waxaa la badaleyVilla oo ah gooldhaliyaha goolka quusinta oo lagu badaley Keita

Saacada 21:25 Man United wax kasta ayay isku dayayaan inay sameeyaan laakiin wali wax muuqda ma hayaan

Saacada 20:21 Kaarkii Jaalaha ee labaad ayaa la siiyey Antonio Valencia oo ka tirsan Man United

Saacada 21:8 Man United ayaa badal sameysay waxaa la bixiyey Carrick waxaa soo galay Scholes

Saacada 21:18 Taageerayaasha Barce ayaa garoonka qayladooda & sawaxankoodu qabsadey,

Saacada 21:11 Gool waxaa gool dhalisay Barce waxaa u saxiixay David Villa

Saacada 21:09 Man United ayaa sameysay badal, waa badalkii ugu horeeyey waxaa la badaley Fabio oo lagu soo badaley NANI

Saacada 21:07 shoot xoog leh ayaa laga tufay Xavi, korno ayey heshay Barce

Saacada 21:02 Kaarkii  Jaalaaha (Hurdiga) Yellow card ee ugu horeeyey ee ciyaarta ayaa la bixiyey waxaa la siiyey ciyaaryahanka Carrick oo khalad ku galey xidiga khadaka dhexe ee van Nistelrooy

Saacada 21:00 Taageerayaasha Barcelona ayaa sawaxankooda garoonka ka joogi la’nahay waxaana ay ku dhawaaqayaan heesaha ay caanka ku yihiin iyo halku dhegyada Barcelona.

Saacada 20:58 Messi goolkiisan waa kii 12-aad waxay isku gool yihiin taariikhda Champion Leuge-ga van Nistelrooy Man United u dhaliyey 12 gool hal Champion League.

Saacada 20:55 Gool ayaa waxaa helay Barcelona waxaa u dhaliyey laacibka Messi

Saacada 20:53 Fursad qaali ah Barcelona ayaa iska cuntey, goolhaye Van Dar Sar ayaa badbaadiyey

Saacada 20:50 weerar & weerar celis ayaa socda

Saacada 20: 47 Barcelona ayaa Koorno heshayway baasteen

Saacada 20:46 waa la baastey kubada ciyaartoyda Barce ayaa bilaabatey~

Saacada 20:45 ciyaartoyda Barcelona ayaa hada soo baxaysa, kuwa Man u way tageen garoonka

Saacada 20:43 ciyaartoyda ayaa garoonka dib ugu soo laabatey, qolo kasta waxay soo qaadatey talo iyo tusaaale wixii ay heli laheyd, 45 daqiiqo oo soo socota ayaa lagu kala baxayaa.

Waxaa lagu jiraa nasiino, Labada macalin ayaa la filayaa in qolka nasiinada ay kula soo hadlaan ciyaartoyda, isla markaana la keeno shax & farsamo cusub oo koobka Champion League-ga lagu qaado, waxaa la filan karaa in Man United ay badal sameyso oo la soo galiyo Nani, Barce waxay badali kartaa Pedro waxaa laga yaabaa in la keeno Ibrahim Afelay

Saacada 20:30 waxaa la gaaray Nasiinadii Kaambiyo waxaa lagu kala nastey 1-1

Saacada 20:26 Barcelona ayaa heshay Free kick laad xor ah, waxaa u tuuray Xavi, laakiin waxaa iska cunay Pedro

Saacada 20:25 Weerar & weerar celis ayaa socda

Saacada 20:20 taageerayaasha Man United ayaa neef ka soo go’day, ka dib goolka Rooney

Saacada 20:18 Gool Man United ayaa gool caaqibo leh dhalisay waxaa u saxiixay Wayne Rooney, waxaa u soo baasay Gigs

Saacada 20:15 Taageerayaasha Barcelona ayaa saxankooda si aan caadi aheyn garoonka looga maqlayaa, xaaladu waa kacsan tahay

Saacada 20:12 Gool ayaa waxaa dhalisay Barcelona, ciyaaryahanka Pedro ayaa u saxiixay kubad uu soo baasay Xavi

Saacada 20:09 Weerar & weerar celis ayaa socda

Saacada 20:05 Fursad qaali ayaa waxaa iska cunay Barcelona weeraryahankooda David Villa

Saacada 20:01 Barcelona ayaa weeraro wadata, Man United waa la buusay ilaa iyo hada

Saacada 19:60 Barcelona ayaa iska cuntey fursad qaali ah Pedro ayaa iska cunay kubad caaqibo leh

Saacada 19:56 Barce way baasatey ka dibna daafaca Man U waa iska soo bixiyeen kubadii

Saacada 19:55 Barcelona ayaa heshay fursad ugu horeysay waxaa kubada laga bixiyey David Villa, waxaa la dhigay Koorno Barcelona ayaa soo qaadanaysa

Saacada 19:53 Rooney ayaa laga badbaadiyey halis gool, waxaa soo baxay goolhaye Valdes oo kubada banaanka u saaray

Saacada 19:50 Man United ayaa laba fursad iska khasaarisey gaar ahaan Harnandez

Saacada 19:48 weerar & weerar celis ayaa socda

Saacada 19:45 waa bilaabatay Man United Rooney & Harnandez ayaa kubada tuurtey

Saacada 19:44 labada tababare Sir Alex & Pep Guardiola ayaa isa salaamay

Saacada 19:43 ciyaartoyda ayaa isa salaamaya, garsooyaasha ayaa tagaan sawiro ayay iska qaadanayaan, labada katan ayaa isa salaamaya waa Vidic & Xavi

Saacadda 19:43 Garooraha & calan wadayaasha waxay u dhasheen wadanka Hungry

Saacada 19:42: Barcelona waxay ku ciyaaraysaa fanaanada ay caanka ku yihiin ee guduudka & buluuga

Saacada 19:41 garoonka ayaa waxaa soo galaya ciyaartoyda, Man United Maaliyada cadaanka ah ayey ku ciyaarayaan

Saacada 19:41 koobka ayaa la soo dhigay garoonka gudihiisa

Saacada 19:39 Fanaaniinta ayaa heeso bilaabaya

Saacada 19:38 Xafladii ayaa bilaabatey waxanaa soconaya kooxaha mahrejaanka oo garoonka gudihiisa ayey ku sameynayaan