Ugu yaraan 10 qof oo xoolo dhaqato ah oo ay ka mid yihiin lamaanayaal xili dhaw aroos ka soo baxay ayaa Liibaax dad cun ah ku cunay deegaano ka tirsan xuduudaha Soomaaliya & Kenya.

Liibaaxyada ayaa sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inay cuneen ugu yaraan 30 neef oo geel ah ooa y laahayeen xoolo dhaqatada deegaankaasi, arintaasi oo walaac xoogan ku abuurtey dadka ku dhaqan Deegaanada Diif iyo Garinleey oo ka kala tirsan  gobolada Jubada hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo ay fara ba’an ku hayaan Liibyaaxda dadka qaadka ah.
Liibaaxyada ayaa la sheegay inay ku bahaloobeen oo ay dad cun ku noqdeen abaaraha deegaanka ka jira awgood taasi oo qaylo dhaan ba’an ka keentey dadka deegaanadaasi ku dhaqan oo sheegeen inay sii kordhayaan khasaaraha naf ee ay geysanayaan Liibaaxydadan.

SBC News Desk