LEELKASE  MA AL SHABAAB BAA?

Marka  hore mahad idilkeed waxaa  iska leh allahii ii ogalaadey in aan idiin soo qoro maqaalkan sharafta badan. Kuna  cabirayo rayigayga anigoo qadarinaaya kiina ,.

Waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo dagaalka gaakacayo ka dhacay horaantii bishaan 9 aad 2011,.

Leelkase ma alshabaab baa?

Leelkase maaha  lshabaab cidina kuma shabadayn karto kumana tilmaami karto, beesha leelkase waa beelaha ku midoobey maamulka puntland  hormuudkana ka ah, hadh iyo habeena u taagan horomarka  iyo midaynta puntland .  maxaase alshabaab lagu noqdaa? Alshaabaab waa urur diimeed ka mida ururada islamiga ah ee ka jira somaliya  waana urur siya asiya . waana mabda qofku aamino ama  laga dhaadhiciyo , beel ahaan ama group ahaana looma qaato.  beel  alshabaab wada ah ma jirto beel aan laga helayna ma jiraan allsomalia. shakhsi kasta wixii uu sax u arko ayuu qaadan karaa mana matalo qof rayiga alshabaab qaatey beel waynta leelkase.  Sidaa  si  lamid ah majirto cid oran karta shakhsi alshabaab ah leelkase maleh. Wayna  khaldan tahay cida oraynaysa leelkase waa  alshabaab , IWM.

wali kama aanan  maqal  qofka kamida ah masuuliyiinta dowlada puntland oo leh leelkase waa alshabaab iyo wax lamida,  lkn waxaa  arintaa faafinaafinaaya  dad neceb jiritaanka puntland jecelna bur burka iyo is qab qabsiga punt , ninka muqdisho ka hadlaayo oo oranaaya  leelkasaa la xasuuqey iyo isirnacayb iyo beelaa diriraaya ma leelkasuu jecel yahay ama u hiilinaaya?  Su’aashu waa  Maya ee waxa uu doonaayaa hurinta colaadaha waana gubaabo iyo isku dir meeshii u danbeysey, iyo in ay punt iyo beelaha dega madaxa isu suraan.

Maxay maamul iyo beeli isku qaban karaan?  Maamulada Somalia ka jira waxa ku midoobay beelo walaalo ah , waxayna maamul iyo beeli  isku qaban karaan,  jago iyo  qaybsi siyaasadeed , eg: goloha fulinta intaas baan ku leeyahay , golaha sharci dajinta intaas baan ku leeyahy ee  xaqabaa  iga maqan ee wax ha la iigu daro, iwm ,. Maamulkana waa jibaadkiisu waa in uu ka qanciyaa sida uu wax qaybshay iyo waxa ka maqan meesha ay ku maqan yihiin, hada leelkase ma  jagaa ka maqan oo ay sheeganayaan  ? maya ma aanan maqal wali.

Marka maxaa dhexyaal oo ay ku dirirayaan ama loo leeyahay ha laheshiisiiyo puntland iyo leelkase? ,  arintu waxa ay iila muuqataa (lafo geel iyagaa laysku jabshaa ) ka dibna waa la dhuxaa , marka ay laba quwadood isgalaan dadbaa ka faa’ iidaysta oo doonaaya  bur bur iyo qax.

Maxaa xal ah?

Maxaa dani ugu jirtaa beesha leelkase ? leelkase waxa ay dani ugu jirtaa jiritaanka puntland iyo in ay iska qabtaan cidkasta oo bur burinaysa maamulkooda.  mid ay dhaleen iyo mid ku soo dhuuntay intaba.  waa hadii ay jiraane!!!!!!!.  iyo cidkasta oo alshabaab ah ama ka soo horjeeda  danta beesha ay kula nooshahay  dadka dariska la ah, jiritaanka puntland na waa muqadas.

Maxaa dani  ugu jirtaa puntland?.  Puntland  waa in ay qancisaa beesha  leelkase  waxkasta  ay raali ku noqon karaana u samaysaa  iyadoo qadarinaysa jiritaanka puntland una qirsan awooda baaxada leh ee ay ku leedahay  puntland.

Waa in ay la timaadaa siyaasad cad oo ay beeshu ku qanacdo  iyo mowqifka ay ka leedahay amniga puntland mustaqbalka dhow iyo kan fog, kana dhaadhicisaa in aysan puntland weerar  ku ahayn beesha leelkase.  sida ay faafinayaan war baahinada qaybtood.

Dardaaran guud ee dowlada puntland,

Dowlada  puntland waa ay ku mahad santahay dadaalada ay wado ee horumarka  iyo mideynta somaliwayn iyo sida ay isugu howl layso dowlad somaliwayn ay u dhantahay.

Puntland khaasatan wasaarada amniga.

Waa in ay wax kabedeshaa ciidamada sirdoonka puntland (PIS) . sida aan caalamka ku aragnay askari qori iyo gaari wataa sirdoon maaha , sirdoonka caalamka tuute waa ka mamnuuc ilaa mar daruuro timaado mooyee. Nin ka sirdoonka  in dadka laga bartaa iyana waa mamnuuc,

Sirdoonka dalka waa in uu yahy maryacad leh bidaaqad (Id card) waxaana la qoraa dadka u sahlan in ay helaan xogta sida (tagsiiilayaasha, odoyaasha howl gabka ah, dadka iska leh meheredaha fadhi ku dirirka ee lays kugu yimaado, sariflayaasha  iyo ardayda dugsiyada sare iyo jamacadaha ,dalka  iyo  xataa kuwa  jamacadaha debeda  aadaaya  si ay uga caawiyaan amniga la socoshada arday kale ee aaminsan fikradaha khaldan ee jamacadaha  soo dhameeya  dalkana  dib ugu soo laabta .

Mar  ay aljasiira.net ay waraysi la yeelatay madaxa sirdoonka jamhuuriyada suudaan Gen: saalax cabdullaahi.  ayaa la waydiiyey mudaharaadyada ka dhacaaya dalalka carabta, Malaga yaabaa in ay  saamayn ku yeeshaan sudan? Markaas buu yiri maya maya maya!!!!!!!   Waayo 4 qof oo kasta oo meel isugu timaada 3 baa aniga ii shaqeysa oo sirdoon ah, ismana oga.

Marka  jaale wasiir adoo mahad san 100% askari qori sitaa sirdoon ma noqdaa? , qaybta sirdoonka wax ka bedel  oo  dadka aad ka ugu sahlan in ay sirta helaan ka dhig sirdoon. Mida kale magac loo bixiyey PIS ta ee ah (ashahaado la dirir ka) waa waxayna  faafiyeen dad aan wadani ahayn iyo kuwo danno shisheeye kaleh , ciidamada iyo is dhex galka shacab kana waa muhiim.

Shukran  waad mahad santihiin macaamiisha sharafta leh.

Dheman_08@hotmail.com.

Abdi qasim ali mahdi.

Africa international university,

Faculty of Pure and Applied Sciences,